FIQI TOLKII KAMA JANO TAGO.MAXAMED XAASHI CILMI OO MADAXWAYNE SIILAANYO KU AMANAY MOWQIFKA UU KA QAATAY ‘LIXDA GOBOOD”
September 17, 2016 - Written by

FIQI TOLKII KAMA JANO TAGO.MAXAMED XAASHI CILMI OO MADAXWAYNE SIILAANYO KU AMANAY MOWQIFKA UU KA QAATAY ‘LIXDA GOBOOD”

ggg

Eng Maxamed Xaashi Cilmi,  oo lagu naanayso “Mr LABA”, loona bixiyay markii uu 2 cod helay tartankii uu la galay Marxuum Cigaal, waxa lagu yaqaan madax-adayg siyaasadeed iyo mucaaridnimo mutuxan. Wuxuu mucaarid mutuxan ku ahaa Marxuum Cabdirahman Tuur, Marxuum Cigaal , Madaxwayne Riyaale iyo Madaxwayne Siilaanyo. Waxa kale oo loo bixiyay  “ Keligi Saxane”. Eng Maxamed Xaashi wuxuu   had iyo jeer sheega  lacagayo  ka badan  Boqolal Million oo doolar  oo la musuqmaasuqay, asaga oo aan  cadayn soo  bandhigin . Wuxuu ku tiraaba  in wadanka lagu maamulo qabyaalad, eex, qaraabo kiil iyo nin jeclaysi.  Dunuubtaas  faraha badan wuxuu ku eedeeyaa dadka aan ku abtirsan Qabiilka & Qoyska uu asagu kasoo jeeedo. Tusaale ahaan, kamuu hadal musuq-maasuqa  wayn ee dhawaan saxaafadu soo bandhigtay ee lagu eedeeyay Marwo Samsam. Kamuu hadal beeraha iyo dhulka uu dhacay Col. Muuse Biixi ee dadkii lahaa hortubanyaheen Maxkamadaha. Maantana  Eng Maxamed Xaashi waxuu amaan kula dul kufay Madaxwayne Siilaanyo, markii uu digreeto kusoo saaray in lixda gobood ee muranku ka taaganyahay lagu qabto  “ Diiwaan gelin” . Eng Maxamed Xaashi wuxuu qaatay mowqifkii Suldan Maxamed Cabdilqaadir iyo Suldaan Sabayse  ee ahaa dhulkaa waxa iska leh “Isaaq “ ama “ Sacad Muuse “.  Wuxuu muujiyay qabyaalad cad oo aanu gedna ugu soo gaban. Waxa haboonayd inuu Eng Maxamed Xaashi  dib ugu noqdo distoorka qaranka iyo kala xadayntii        Somaliland  ee lixdankii,kana  foogaado caadifada qabyaaladaysan  .
Drs.Hoodo Yusuf , London, UK.

COMMENTS