Ciidamada Amaanka Somaliland Oo Xabsiga Dhigay Xildhibaan ka Mid ah Golaha Deegaanka Hargeysa.
November 22, 2017 - Written by

Hargeysa(GLN)_Ciidamada Booliska Somaliland ayaa Maanta Xabsiga U Taxaabay Xildhibaan Maxamed Warsame Timacade Oo Ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa.

xildhibaanTmacade Oo Ka tirsan Xisbiga Mucaaradka Ah Ee wadani ayaa Ka mid  ahaa xubnihii ugu ololaha adkaa intii ay socdeen olalaha Doorashada Madaxtinimada, waxaanu iska caabin kala hortagay xukumada kulmiye Ee Wakhtiga Loolanka Siyaasadeed ka dhaxeeyey.

dhaliilo badan ayuu u jeediyay xukumada iyo Mayaarka Hargeysa Oo Uu Ku eedeeyay in Uu Ka mashquulay hawlihii Loo xil saaray.

Xadhigan ayaa Noqonayaa kii labad Ee lagula kaco Masuul ka Tirsan Xisbiga Waddani tan iyo markii Lagu Dhawaaqay Shalay Natiijadii Doorashada Madaxtooyada, Ma jirto Faahfaahin Ka Soo baxaday Ciidamada Amaanka  hasayeeshee guddoomiyaha Ku meel gaadhka ah Ee Xisbiga Wadani ayaa cambaareeyay xadhiga labada masuul Ee Laga Xidhay, waxaanu xusay in Ay jiraan kuwo Kale Oo lagu raad jooaa.

COMMENTS