MADAXWEYNIHII HORE EE DALKA YEMEN CALI CABDALLA SALAX OO DUQAYN LAGU DILAY
December 4, 2017 - Written by

Madaxweynihii hore ee dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax ayaa lagu dilay Duqayn ka dib markii isaga oo ka baxsanaya collaada ka jirta dalkiisa lala beegsaday gantaal.

War lagu daabacay warbaahinta dalka Yemen ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee dalka Sacuudigu ay duqayn ku dileen Cali Cabdalla Saalax.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Yemen ayaa xaqiijiyay dilka Madaxweynihii hore ee dalka Yemen oo ay xilligaasi wehelinayeen xubno ka tirsan shaqaalihiisa.

Cali Cabdalla Saalax ayaa todobaadkan shaaciyay in uu damacsan yahay in uu wada hadal la furo xulafada uu hogaamiyo sacuudigu si loo joojiyo colaada dalkaasi ka jirta oo ay ku dhinteen dadkii ugu badnaa.

COMMENTS