Wariye ka Tirsan  Kalsan TV oo lagu dilay qarax loogu xiray gaarigiisa Magalada Muqdisho.
December 11, 2017 - Written by

Wariye u shaqeynayay Telefishinka Kalsan ayaa galabta lagu dilay qarax loogu xiray gaarigiisa, xilli uu ku sugnaa degmada Wadajir.

Qaraxa oo ahaa miinada nuuca dhejiska ayaa qeybta hoose ee kursiga darawalka loogu xiray, kaddibna la qarxiyay.

Wariyaha oo lagu magacaabi jiray Maxamed Ibraahim Gaabow ayaa ka mid ahaa Wariyeyaasha ka howl galayay magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in xilliga qaraxa uu dhacayay ay gaariga la saarnaayeen carruur yar oo uu dhalay saaxibkiis oo saarnaa qeybta dambe ee gaariga, balse aanay waxba soo gaarin.

Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta uu ka dhacay qaraxa oo aheyd kawaanka malayga degmada Wadajir.

Miinada nuuca Magnada ee qeybta hoose darawalka gaariga lagu dhejiyo ayaa ka mid noqotay aaladaha bartilmaameedka ee dadka lagu khaarijiyo, waxaana horay loogu dilay Wariyeyaal, mas’uuliyiin iyo dad kale

COMMENTS