MADAXWEYNE TRUMP OO U DIGAY WADAMADA AY QAADHAANKA SIIYAAN
December 21, 2017 - Written by

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku goodiyay in uu deeqaha ka jaran doono dalalka taageeray qaraarkii Qaramada Midoobay ee lagaga soo horjeedsaday in uu Qudus u aqoonsaday caasimadda Israa’iil.

Bishan horraanteedii ayuu Trump gaaray go’aankaas iyadoo caalaamka aad looga dhaliilay.

“Waxay naga qaataan boqolaal milyan oo doolar iyo xataa balaayiin doolar haddana codkooda ayay nagu mucaaradayaan,” ayuu u sheegay saxafiyiinta.

“codkooda hanagu mucaaradaan, lacag badan baa anagana noo baaqan doonta.”

Haddalkiisan ayaa yimid ka hor codaynta loo qaadayo qaraarka ka dhanka ah in Qudus loo aqoonsado caasimadda Israa’iil ee uu qabanayo Golaha loo dhan yahay ee Qarammada Midoobay.

Qaraarkan qabyada ah ma xusayo Maraykan balse wuxuu leeyahay go’aankaste oo Qudus ku saabsan waa in meesha laga saaro.

Bishan horraanteedii ayay safiirka Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay Nikki Haley uga digtay dalalka xubnaha ka ah in madaxweyne Trump uu waydiistay in ay la soo wadaagto dalalka aan codkooda siinin Khamiista.

COMMENTS