Qarax Wayn Oo Ka Dhacay Magalada New York.
September 18, 2016 - Written by

Qarax Wayn Oo Ka Dhacay Magalada New York.

Ugu yaraan 29 Qof ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhacay magaalada New York ee dalka Mareykanka, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo waxa sababay qaraxa.

Qaraxa ayaa ka dhacay degmada Chelsea oo ka tirsan magaalada New York, waxaana booliska ay sheegeen in qaraxa ay ka shakisan yihiin in qalab qarxa uu bur buriyay daaqad dhisme ku taal iyo gaari.

Duqa magaalada New York Bill de Blasio ayaa sheegay in qaraxan aanu wax xiriir ah la laheyn fal argagixiso, isagoo xusay in aanay jirin cadeyn loo haayo qarax saacadihii hore ka dhacay New Jersey

Qaraxa ka dhacay New Jersey ayaa la sheegay inuu ka dhashay bam tubo ku jiray, iyadoo halka qaraxa ka dhacay ay ku dhow dahay meel lagu wado inuu ka dhaco Tartan Orod ah oo ay ka qeyb qaadanayaan Ciidan horay uga tirsnaaan jiray Milateriga.

Taliyahaย Booliska ayaa sheegay in saraakiisha ay baarayaan suurta galnimada aalad qarax ah oo lagu arkay wadada 23aad ee galbeedka, kaasoo aan sidaa uga fogeyn halkii qaraxa hore ka dhacay.

Ciidamo badan ayaa soo buux dhaafiyay goobta qaraxa ka dhacay, iyadoo eeyo u tababaran urinta waxyaabaha qarxa la geeyay halka qaraxa uu ka dhacay.

COMMENTS