War Deg Deg ah;;Maxkamada Sare Ee Somaliland Oo Saaka Bilawday Dhagaysiga Dacwada U dhexeysa Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo Garabka U Hogaamiyo Aqoon Yahan Jamaal cali xuseen.
September 18, 2016 - Written by

War Deg Deg ah;Maxkamada Sare Ee Somaliland Oo  Saaka Bilawday Dhagaysiga Dacwada U dhexeysa Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo Garabka U Hogaamiyo Aqoon Yahan Jamaal cali xuseen.

Maxkamada Sare ee Somaliland ayaa saaka bilawday dhagaysashada dacwadii udhaxaysay labada garab ee xisbiga mucaaradka ah ee Ucid.

Waxaana dhagaysiga dacwadan ka soo qayb galay labada garab ee ay dacwadu udhaxayso oo ay kala hogaaminayaan musharaxa madaxwaynaha Jamaal Cali Xuseen iyo Gudoomiye Faysal Cali waraabe iyaga oo ay weheliyaan dhan walba qareenkiisu.

Sidoo kale waxaa jooga gudoomiyaha maxkamada Sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali.

Waxaana la rajaynayaa waxa ay dacwadani ku soo dhamaan doonto.

Dacwadan ayaa  maalmihii ugu dambeeyay  goobaha  bulshadu ku kulmaan ay hadal haynta dacwadani ku badnayd.

Dacwadan ayaa timid kadib markii uu gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe uu rafcaan u ka


qaatay go’aamadii ay soo saareen gudida kala saarida ururada Siyaasada Somaliland.

COMMENTS