Weeraro lagu qaaday Soomaali ku nool magaalada Nazareth dalka Ethiopia
January 5, 2018 - Written by

Waxaa sii kordhaya weerarada ay dadka ka soo jeeda Qowmiyadda Oromada ku hayaan Soomaalida ku nool dalka Itoobiya, iyadoo weerarkii u dambeeyay uu xalay ka dhacay magaalada Nazareth.

Qaar ka mid ah Soomaalida ku nool magaalada Nazareth oo qiyaas ahaantii ilaa 100km u jirta caasimada dalkaasi Itoobiya ee Addis ababa ayaa xalay lagu weeraray guryaha ay degan yihiin.

Dad badan ayaa lagu soo waramayaa in guryahoodii ay ka carareen oo ay u baxsadeeen caasimadda Itoobiya, si ay uga badbaadaan beegsiga qowmiyadda Oromada ay ku hayaan dadkaasi, sida ay sheegayaan qaar ka mid ah dadkii weerarkaasi la kulmay.

Dadka Oromada ah oo weerarada soo qaadaya ayaa la sheegay in ay ku hareereysan yihiin guryaha ay degan yihiin Soomaalida, dadku waxay laโ€™yihiin qaab ay uga baxsadaan weeraradaasi.

Bilihii ugu dambeeyey waxaa jiray xiisado u dhexeeya Soomaalida iyo Oromada dalkaasi Itoobiya, iyadoo dhowr jeer masโ€™uuliyiinta dalkaasi ay sheegeen in xal laga gaari doono dhibaatooyinkaasi.

COMMENTS