Gargaarka Shisheeye: Gumayn mise Gurmad? By: Ilyaas Maxamed Xuseen
September 18, 2016 - Written by

Qoraalkani waxa uu gorfayn iyo kala-haadin ku samayn doonaa mawduuca xaasaasiga ah ee gargaarka shisheeye (foreign aid) iyo saamayntiisa. Waxa uu soo bandhigi doonaa doodaha isku lidka ah ee ku aaddan qodobkan, isaga oo ku eegi doona indho dhexdhexaad iyo garaad gorfayneed. Doodaha isu miciya-lisanaya oo kala ah koox diiddan gargaarka shisheeye oo u arka in uu gumayn yahay, ayna horkacayso qoraaga iyo dhaqaalayahanka reer Saambiya ee Dambisa Moya iyo buuggeeda Dead Aid; iyo koox u aragta gargaarka shisheeye in uu yahay gurmad, oo uu u cadcad yahay qoraaga iyo dhaqaalayahanka reer Maraykan ee Jeffrey Sachs iyo buuggiisa The End of Poverty, ayaa qaybta kowaad ee Bandhigga Doodaha u noqon doona muunad diiradda la saaro iyo garoon laga duulo. Marka labadaa doodood iyo daliilladooda aanu soo bandhigno, annaga oo waaqiceenna eegayna, waxa aanu qaybta labaad ee Basrinta Doodaha ugu gudbaynaa halka aanu ka taagannahay labada xag (extreme) iyo waxa aanu ku darsanayno—dhexdhexaadin ha u yaraato’e!

QORAALKA OO PDF AH HALKAN KA AKHRIYA

COMMENTS