|
Waxa aanu Xalay badbaadinay Mustaqbalka inan yar oo khatar ugu jirtay Kufsi iyo tacadi Jinsi oo lagula koco. Qore: Weriye Cali-Mahdi Jibriil
January 9, 2018 - Written by C M
Hargeysa (GLN):- Waxa ay ahayd Abaara 10:30pm Habeenimo ee waqtiga Magaalada Hargaisa, Aniga Saaxiibkay Cabdiraxman Fantastic iyo Gabadh kale ayaa u casho tagnay Hotel ku yaala Koonfurta Magaalada Hargaisa oo lagu magacaabo SKY BLOU. Markii aanu Soo caweys iyo casho dhamaysanay ayaanu u soo kacnay dhinacaa iyo Magaalada, waxa aanu soo marnay wado raf ah ilaa aanu ku soo dhacnay wadada looga baxo marka lagu socdo Bali-gubadle oo ku taalka koonaha ay magaaladu kaga dhamaato dhinaca siinay, Markii aanu soo gaadhnay Buurta wadada Bali-gubadle marto ee dadku u yaqaanaan “VEIW-GA” ama ay sawirada ku soo gal-galaan oo ah goob joogeedu magaalada ka sareeyo ayaan Halacsaday Gabadh wadada Docdeeda Nooga Gacan haadinaysa, waa keligeed Goobta ay ku sugantahayna waa Goob aad u khatar badan, oo Ciyaal-xaafadku dadka ku badhaan, oo xataa aanay ka nabad gelinin kuwa gawaadhida wata ee u yimaada si ay View-ga magaalada sawiro ku galaan ama snap-ka ka duubtaan, waxa aan xasuustay waqti aan fogayn oo aniga iyo asxaabtaydu oo ilaa 4 gaadhi ah tagnay isla markaasna ay nagu soo weerareen ciyaalo xaafad ku hubaysan Faashash iyo budhadh, waana goob caan ku ah khatarta Dibjirta baadha dhibaatooyin-na u geysta dadka View-ga yimaada. Naxdin ayaa ilaahay noo keenay waxa aanu aad uga naxnay xiliga danbe, inanta yar ee halkaa taagan, iyo khatarta ay leedahay meeshani, dib ayaan gaadhiga reefas ugu soo baxay ilaa an ka soo gaadhnay gabadhii, waxa aan weydiiyay waxa xiligan halka taagay, waxayse ii sheegtay in baska Xero-awr ay doonayso, Markiiba waxa aanu u qaadanay in ay tahay gabadh JiN soo kaxaystay, waan waraysanay waxa ayse noo sheegtay in aanay jin lahayn ama aanay dhicin, hadana waxaanu weydiinay meesha ay joogto, balse ma ay garanayn meesha ay joogtaa halka ay tahay, waxa aanu weydiinay waxa meeshan keenay, waxayse noo sheegtay in Nin ay wada socdeen dhaawacna uu u geystay Cidladaana kaga tagay, waxayna naga codsatay in aanu ka qaadno, weliba iyada oo ay baqdinta ka muuqata u dheerayd Dhaxanta aadka u daran ee Buurta ay joogtay ka dhacaysay. aniga iyo asxaabtaydii ayaa dib isku qabsanay “aynu qaadno iyo armaa la inagu qabsadaa gabadha halkaa joogta oo ay dhici karto in la kufsadayba, oo hadhow denbi inaga qoorta aynu la galnaa. Balse waxa aanu Door bidnay in intii aanu halkaa inantan yar kaga tegi lahayn, maadama uu ilaahayna na arko, wixii doonaa ha naga soo gaadhee in bal horta aanu Goobtan ka soo qaadno inanta si Dibjirta dadka buurtan ku badhataa aanay u kufsanin nolosheedana aanay u baabiinin, anagoo cabsanayna ayaan ku idhi soo kor gaadhiga waanu soo qaadnay aad bay u qadhqadhaysay Hiitar ayaan u shidnay markii dhaxantii ka’yara ba’day baanu waraysanay, waxa ay nooga sheekaysay sidii ay wax u dheceen waxayna na tidhi:- “waxa aan soo raacay nin aanu wada sheekaysanaynay wuxuu i keenay halkan, markii aanu istaagnay ayuu i damaaciyay ana waan diiday, waxa uu isku dayay in uu i kufsado balse igama uusan xoog roonaan bir ayuu docdiisa ka soo saaray, gacantana wuu i maroojiyay, halkaas ayuu dhaawaca gacantu iga soo gaadhay, kedib markuu arkay gaadhiga oo yar dartii in aanu i kufsan-karin ana gacantii i xanuuntay baan ku idhi waan ku yeelayaaye i da ha i diline, markii uu faraha iga qaaday baan hadana diiday anoo markan aan iska celin karinin oo gacan ka dhaawacan, kedib furihiisii baan haleelay waan ka tuuray isagoo telefoon ku hadlaya oo ileh, hoy maad i ogolaan hadii kale Kuray baan kuu wacayaa, markii uu telefoonkii ku hadlay ayuu is yidhi furihii raadso ana gaadhigii baan iska tuuray si aanay kuraydu ii soo gaadhin, hore ayuu u dhaqaaqay, gaadhi dukhaan ah baa na daba socday oo hoonka tumay kedib wuu cararay, gaadhiga VITS-ta ah ee na daba socday waxaa watay nin oday ah, balse wuu diiday in uu i qaado sidaas ayaan meesha ku imi. markii ay sidaa wax noogu sheegtay baan weydiiyay in uu kufsaday ama tacadi u geystay lkn maya bay tidhi dhaawacaas ma ahaane wax kale iguma samayn, aniga saaxiibkay fantastic iyo inantii nala socotayba waanu muraaradilaacnay, naxdin buuna ilaahay isugu kaaya keenay, waxa aan aad uga welwelay hadii aydin idinku soo gaadhi lahayn kufsiga inantaa yar jirri’da buurtan joogtaa u geysan lahayd, iyo nacaska soo qaaday haduu kufsan lahaa waxa u danbayn lahaa, iyo iyada laftarkeeda xaaladeedu sida ay noqon lahayd hadii ay halkan ka waayi lahayd cid u gargaarta. da’da inantu waxa aan ku qiyaasnay 15jir ilaa 16 jir ama kaba yar, balse inan yar oo si fiican u kortay qurux badana way ahayd, oo waxaan hubaa dibjir haday arki lahayd inay kufsan lahaayeen, weliba buurtan masalaha ee view-ga waxa ay caan ku yihiin ciyaal-xaafad aad u dhaqan xun. ilaahay inantii yaraa waa kuu ka badbaadiyay markii uu anaga nala kulansiiyay tacadi iyo kufsi labadaba, balse anaga ayay talo nagu cadaatay halka aanu geyno inantan saqda dhexe, kaaga darane waxa aanu ka baqnay in hadii aanu gurigeedii geynana anaga laftarkayaga lana qabsado oo halkaas dhibaato naga soo gaadho. balse ilaahay ayaanu aaminay waxaanuna inanta toos u geynay gurigedii, Qoyskeedii ayaanuna uga sheekaynay waxa dhacay iyo xaalada inantani ku sugnayd marka aanu helnay iyo khatarta buurtii ay joogtay. nasiib wanaag qoyskedii aad ayay dhacdadani u xanuujisay iyagoo noo mahadcelinaya ayayna inantoodii naga gudoomeen ilaahay anagana dhib nagama soo gaadhsiin iyadiina wuu ka badbaadiyay khatartii ay ku jirtay. Qormadan waxaan idiinku qoray Hablow in aad is ilaalisaan, oo Gawaadhidan aad iska raacaysaan idinkoon garanaynin aad iska daysaan, siiba hablaha yaryar ee ka yar 18-jirka waxa aan odhan lahaa is ilaaliya oo is jira, khatar noocan oo kale ah waad geli kartaan, maanta inantan yari haday halkaa sii joogi lahayd oo dibjir ay heli lahayd mustaqbalkeeda iyo nolosheedaba waa ay u dhamaan lahayd, plz plz plz is ilaaliya oo nafihiina habloow ka ilaaliya Tacadi iyo Kufsi baabiiya mustaqbalkiina iyo in sidan oo kale ay idinku dhacdo. Qore: Cali-Mahadi Jiriil Xasan Gacanlibaaxnews.com
COMMENTS
|
|
||