Cismaan Hindi Oo Ka Mid Ahaa Ganacsatada Iyo Siyaasiyiinta Somaliland Oo Maanta UK Ku Geeriyooday
September 18, 2016 - Written by
London (GLN)- Alle ha u naxariistee waxa manta abbaaro 11:40 wakhtiga UK ku geeriyooday magaaladda London Cismaan Cabdilaahi Cigaal Yuusuf “Cismaan Hindi” oo muddooyinkii ugu dambeeyey ku xanuusanayay dalka Ingiriiska.
Qoraal soo koobaya taariikh-nololeedkii maxruum Cismaan Hindi oo uu diyaariyey weriye Maxamed Cabdi Xasan oo uu marxuumku abti u ahaa ayaa sidan u dhignaa: 
“Cismaan Cabdilaahi Cigaal Yuusuf wuxuu dhashay sannadkii 1958 kii, wuxuu ku dhashay magaaladda Jigjiga oo Aabahii ka ahaa ganacsade.
Balse yaraantiisii wuxuu ku barbaaray magaaladda Hargeysa, wuxuuna dugsigiisii sare ka dhamaystay Faarax Oomaar iyo Dugsiga Sheekh oo markii danbe u wareegay.
1978 kii ayuu waxbarasho sare u tagay dalka Sweden oo uu ka qaatay shahaadada Master jaamacadda Lund ee dalka Sweden.
1984 kii wuxuu ka furay dalka Sweden xafiiskii ugu horeeyay ee ururka SNM ku yeesho Stockholm dalka Sweden.
Sannadkii 1991 kiina dalka ayuu dib ugu soo noqday, 1993 kiina wuxuu ka mid ahaa ergooyinkii ka qayb gallay shirkii Boorama ee qaaradda Yurub.
Sannadkii 2001 dii ayey magaaladda London ku kulmeen Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ka dib markii madaxweyne Cigaal geeriyooday, waxaana guriga Abtigay Cismaan ku lahaa degmadda Rayners Lane ee London lagu dhisay fekerka xisbiga Kulmiye oo markii danbe Hargeysa lagaga dhawaaqay.
Intii u dhexaysay 2002 ilaa 2007 dii wuxuu ka mid ahaa madaxda xisbiga Kulmiye isagoo noqday guddoomiyahii xisbiga ee gobolka Hargeysa, xubin guddida fullinta iyo golaha dhexe.
Sannadkii 2007 dii ayey siyaasadda ku kala aragti duwanaadeen guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, wuxuuna sannadkaasina ku biiray xisbigii xukuumadda hayay ee UDUB OO uu ka mid noqday madaxda ugu saraysa, wuxuuna noqday madaxii ololaha doorashada xisbiga UDUB.
Markii xisbiga UDUB saaxadda ka baxay Abtigay wuxuu go’aansaday inuu siyaasadda dibadda ka joogo.
Wuxuuna qayb ka noqday dibu dhiska dalka isagoo ka hirgaliyay Somaliland shariikado ganacsi.
Wuxuu ahaa abtigay intaan abtiyo leeyahay kaanu iskugu dhawayn, umana malaynayo qof yaqaanay oo ka gayoonayay dabeecadiisii wanaagsanayd.
Wuxuu abtigay ifka kaga tagay xaaskiisa Hinda Cabdi Muuse iyo laba wiil Sharmarke iyo Guuleed.
Inalilah wa ina ilayhi rajacuun.”
14358887_1233848996660792_4599228690622188779_n
Gacanlibaaxnews.com

COMMENTS