Daawo: Barnaamij Cusub oo Magaciisu Yahay “Fikrad Nala Wadaag”
January 14, 2018 - Written by C M

Waa barnaamij cusub oo aanu ugu wanqalnay “Fikrad Nala Wadaag”, oo xanbaarsan soo gudbinta fikrado wax ku ool ah oo dadka maskaxdooda ka guuxaya. Waxa uu ku talagalku yahay in qofku midda ugu mudan fikradaha ku weyn inuu dadka la wadaago. Waxana ujeeddadu tahay in dadka lagu dhiirrigeliyo fikir wadaagista iyo fikir gudbinta ba. Waqtiga loo asteeyey na waa hal miridh.

Waxa barnaamijka soo saare ka ah Cabdishakuur X. Muxumed Muuse (Heersare). Waxa aad kala socon doontaan Gacanlibaax Media Group sida: Gacanlibaax Channel iyo Gacanlibaaxnews.com.

Waa soo saaristii koobaad ee barnmaakij cusub oo ciwaankiisu yahay “Fikrad Nala Wadaag”, oo uu marti ku yahay macalin Jamaal Axmed Cabdi. Waxana uu leeyahay: “Wax Uun Baro 2018.”

https://www.youtube.com/watch?v=2Lv9nXilPa8&feature=youtu.be

 

Gacanlibaaxnews.com

COMMENTS