Qaramada Midoobay Oo Ethiopia Ku Amaantay Sii Daynta Maxaabiista
January 19, 2018 - Written by
Dawladda Ethiopia ayaa dhawaan 115 maxbuus oo uu kujiro hogaamiyaha xisbiyadda mucaaradka ah ee dalkaasi ooda ka qaaday.
Maxaabiistan dib u helay xorriyadooda ayaa la midoobay qoysaskooda, hadaba war ka soo baxay qarmada midoobay ayaa lagu bogaadiyay dawladda Ethiopia go’aanka ay ku gaadhay in sii dayso maxaabiistaasi.
Afhayeen u hadashay Xafiiska qaramada midoobay u qaabilsan xuquuqal iinsaanka oo lagu magacaabo Liz Throssell oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in go’aankaasi uu yahay mid mudan in sidiisa loo soo dhaweeyo.
Waxa uu xukuumadda Ethiopia ku booriyay in ay sii wado sii daynta maxaabiista kale ee ku jirta xabsiyadda wadankaasi.
“Waxa aanu soo dhaweynaynaa go’aanka ay xukuumadda Ethiopia Arbacadii oo ay bisha January ahayd 17 laga sii daayay xabsiyadda, kuwaas oo ay ku jireen xubno ka mid ah hogaamiyayaasha xisbiyadda wadankaasi” ayuu yidhi
Mrs Liz oo hadalkeeda sii wadata ayaa tidhi “Waxa aanu ku boorinaynaa dawladda Ethiopia in ay sii wado talaabadda ay ku sii daynayso Maxaabiista xidhan kuwaas oo ay ku jiraan ku jiraan xubno siyaasiyin ah iyo waliba dad xadhig ku mutaystay in ay cabireen xaqa u leeyihiin in ay xorriyad helaan” ayay tidhi.
Sidoo kale waxa ay walaac xoog ka muujisay xaalada wadanka Honduras oo muranka natiijadda doorashadii dalkaasi ka dhacday ay sababtay in xaalada wadankaasi ay ka sii dartay isla markaana ay dad badani ku dhinteen rabashaddaha wadankaasi ka dhacaya.
Waxa ay sheegtay in intii u dhaxaysay 29 November and 22 December, dad lagu qiyaasay 22 qof lagu dilay rabshado ka dhashay natiijadda doorashada wadanka Honduras.
Waxa ay xustay in 13 qof oo ka mid ah dadka wadanka Honduras ku dhintay ay dileen ciidamada wadankaasi.