Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Berbera Gaadhay
January 21, 2018 - Written by

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa saaka ka anba baxay magaaladda Hargeysa isaga oo u jihaystay goboladda Bariga Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa hadda gaadhay Magaaladda Berbera, waxaanu xadhiga ka jaray xarunta caymiska ee magaaladaasi laga hir geliyay.

wararka qaar ayaa sheegaya in uu madaxweyne Ku Xigeenku sii dhaafi doono Magaaladda Berbera isaga oo socodkiisana ku tagi doona Degmadda Tuko Raq ee gobolka sool oo ay dhawaan ciidamada Somaliland kala wareegeen puntland oo muddo dheer maamulaysay.

xukuumadda ayaan faahfaahin ka bixinin safarkaasi madaxweyne ku xigeenka somaliland uu ku tagayo gobolka sool iyo in kale

COMMENTS