Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Gaadhay Deegaanka Tukoraq Ee Gobolka Sool.
January 22, 2018 - Written by

Madaxweyne Ku Xigeenka Soomaalilaand Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa gaadhay Jiida Hore ee Degmadda Tukoraq oo ay dhawaan ciidamada Somaliland kala wareegeen Maamulka Puntland.

Waftiga Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo ay wehelinayeen Taliyaha Ciidamada Milatariga Somaliland, Wasiiradda gaashaan dhiga, biyaha, wasiir ku xigeenka warfaafintaย  iyo xubno kale ayaa kulamo la yeeshay ciidamada Jiida hore iyo shacabka deegaankaasi.

socdaalkan oo noqonaya kii ugu horeeyay ee uu madaxweyne ku xigeenka Somaliland uu ku tagay deegaankaasi ayaa waxa uu balan qaaday in xukuumadiisu ay wax badan ka qaban doonto baahiyaadka kala duwan ee ka jira deegaankaas.

warkan oo faahfaahsan la soco goor dhaw

COMMENTS