Mid ka Mid ah Shaqaalaha Hay’adda UNICEF oo maanta lagu dhax-toogtay xarunta UNICEF ee Muqdisho.
January 26, 2018 - Written by

Muqdisho(GLN);-Wararka ka imanaya degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in sarkaal Ajnabi ahaa oo ka tirsanaa Saqaalaha Hay’adda UNICEF  lagu dilay xarun ay Hay’addu ku leedahay degmadaasi.

Ninkan la dilay ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa shaqaalaha cuntada kariya ee xarunta ka howgala, waxaana dilkaasi geystay mid ka mid ah ilaalada Soomaalida ah ee la shaqeeya Hay’adda UNICEF.

Shaqaalahan la dilay ayaa wararka waxa ay sheegayaan in uu u dhashay Uganda, iyada oo xog kale sheegeyso in uu u dhashay dalka Kenya, balse ilaa hadda si dhab ah looma xaqiijin wadanka uu ka soo jeedo.

Askariga dilka geystay ayaa la sheegay inuu ka baxsaday xarunta, balse ciidamada ammaanka ayaa ku daba jira dambiilaha dilka geystay, sidoo kalena ay baarayaan sida ay wax u dhaceen.

Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu soo warramayaa inay halkaasi gaareen, islamarkaana ay meeshaasi ka daad gureeyeen shaqaalihii Ajnabiga ahaa ee xafiiskaas ku sugnaa.

Sources;Hiiraanonline

COMMENTS