Hogaamiyaha Mucaaradka Raila Odinga oo loo dhaariyay Madaxweynaha Shacabka Kenya
January 30, 2018 - Written by

Nairobi(GLN);-Hogaamiyaha mucaaradka dalka Kenya Rail Odinga ayaa goor dhow magaalada Nairobi loogu dhaariyay inuu yahay Madaxweynaha Shacabka Kenya.

“Anigoo ah Raila Amolo Odinga waxaan dhowaaq dheer ku sheegayaa in aan ahay qofka mas’uulka ka ah xafiisa Madaxweynaha Shacabka Jamhuuriyada Kenya.”ayuu yiri Odinga.

Munaasabada dhaarinta oo socotay muddo ka yar toban daqiiqo ayaa waxaa ka maqnaa inta badan madaxda xisbigga mucaaradka sida Kalonzo Musyoka, Musalia Mudavadi iyo Moses Wetang’ula.

Odinga ayaa saddex bilood kahor sheegay in la xaday doorashada dalka Kenya waxaana jirta cabsi ku aadan dhanka ammaanka iyadoo ciidamada Booliskana ay meel sare kala socdaan waxa ka dhacaya magaalada Nairobi.

Odinga oo 72 jir ah ah ayaa waxa uu ku andacoonayaa in saddex jeer doorashooyinkii la galay lagu shubtay oo la xaday waxana u diiday inuu aqoonsado Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta dib u doorashadiisi dhamaadkii sanadkii hore.

Sources;Jowhar

COMMENTS