Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyada qarax lagu diley sarkaal ka tirsanaa ciidamada Puntland
February 2, 2018 - Written by

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen dilka sarkaal ka tirsanaa ciidamada Puntland oo duhurnimadii maanta waxyaalaha qarxa loogu xirey gaari uu watay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa waxaa ay sheegeen in ay qaraxan ay ku dileen G/lle dhexe Faarax Caato waxayna ku tilmaameen in uu kamid ahaa saraakiisha sirdoonka maamulka Puntland sidoo kalana ahaa tababare ciidan oo si aad ah uga dhax muuqan jiray tababarka ciidamada Puntland.

Illaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Puntland oo ku saabsan qaraxa uu ku dhintey Faarax Caato.

Sarkaalkan ayaa ka soo baxay masjid ku yaal agagaarka xarunta cusub ee dowlada hoose ee magaalada Gaalkacyo isagoo ku soo tukaday salaadii jImcaha waxana uu qarxay gaarigiisa isagoo doonayay inuu gurigiisa u kaxeysto.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dad rayid ah ay dhaawacyo ka soo gaareen qaraxan iyagoo ku sugnaa meel aan ka fogeyn halka uu qaraxa ka dhacay. Saraakiil hore ayaa ku dhintey magaalada Gaalkacyo kadib markii baabuurtoodii loogu xirey waxyaalaha qarxa.

COMMENTS