Dadka Guursaday Ma ka Caafimaad badan yihiin kuwa aan Guursan? WQ: Axmed Shawqi
February 20, 2018 - Written by C M
Daraasad cusub oo lagu daabacay wargeyska “ The Journal Of Health and Social Behavior” ayaa muujisay in marka dadka guursaday ay keli noqdaan iyaga oo kala taga ama midkood dhinto, in uu ku dhaco wax kabadan caadiffadda oo ka lunta. Badanaa waxa soo foodsaara hoos u dhac dhanka caafimaadka jidhka ah kaas oo aanay si buuxda uga soo kaban Karin xataa haddii ay mar labaad guursadan.
Caafimaad ahaana uma fiicna kala taggu ama furriinka lamaanuhu, marka la barbar dhigo caafimaadka qofka aan weli guursan. Daraasaddu waxay intaas ku daraysaa in dadka da’da dhexe ee cimrigooda ee aan weli guurs ani ay leeyihiin mushkilado dhanka wadnaha oo ka yar kan ay ka cawdaan dadka guurka soo maray ee laakiin kala tegay oo ku danbeyey nolol kelini mo ah.
Natiijada kasoo baxday cilmi baadhis lagu sameeyey 8,652 rag iyo dumar isugu jira oo da’doodu u dhaxayso 50-60 sano ayaa cadaysay in niyad xu mo, walaac iyo werwer ka dhashay furriinku uu ku yimaado lamaanaha kal a tagay, kaas oo sii socda ama aan si buuxda u baabi’in xataa haddii qofku mar labaad guursado.
“Marka lamaanahagu uu xanuunsado ama xidhiidhkiina guur xumaado, xad diga ama heerka walaaca iyo werwerka ku helaya ayaa kor u kaca” sidaa waxa tidhi Linda waite, oo ah qoraha daraasadan iyo bare sare (profes sor) cilmiga Bulshada ka dhiga Jaamacadda Chicago, ee dalka Maraykanka. Waxayna intaas raacisay”si fiican uma seexanaysid, waxa kugu dhacaysa cunto xumo, saaxiibadaadana ma arki karaysid, dhamaan waa arrimo tiira anyo leh oo fool xun”
Faaidooyinka caafimaad ee guurka ayaa faro badan, tusaale ahaan daraa saddu waxay sheegtay in lamaanuhu ku dedaalo inuu midba kan kale caafi maadkiisa xoogga saaro oo markasta ka war hayo, gaar ahaanna ooridu ama afadu ay iyadu aad uga warhayso saygeeda caafimaadkiisa isla mark abana garato haddii caafimaad darro kusoo korodho, waxayna uga dhigan tahay sida ilaaliyaha albaabka ama “gatekeeper” oo markasta ilaalilanysa xaaladdiisa caafimaad.
Dadka daraasadda lagu sameeyey, kuwooda furriin ku yimi ama lamaani hi isii kale ka dhintay, waxay 20% kaga bateen xanuunada wadno xanuunka, macaanka iyo kansarka, marka la barbar dhigo kuwa isla markiiba dib ka g uursaday. Dib-u guursigan ayaa keentay inuu hagaago caafimaadkoodu laakiinse sida daraasadda ku cad, lamaanaha kala tegay ee aan dib u guur san weligood si buuxda ugama soo kabtaan hoos u dhaca ku yimaada caaf imaadka jidhkooda ee ka dhashay werwerka, qoomamada iyo fikirka fara ha badan ee furriinka.
Cilmi baadhistani si toos ah uma sheegayso in furriinku keeno caafimaad darro, laakiinse waxay cadaynaysaa in xidhiidh saamayn ahi ka dhexeeyo.
Sidoo kale saynisyahanno deggan gobolka Ohio, ee dalka Maraykanka ay aa tijaabiyeen waqtiga ay qaadato in lamanaha is furay ama kala tagay ay ka bogsadaan nabarada yaryar ee diirka jidhka soo gaadha,waxayna og aadeen in kuwa is furay maalin ka badan ku qaadato in nabarku bogsado, halka kuwa colaadda xoogan ku kala tagay ay mudo maalin ka badan ku q aadato in nabarku bogsado.
“ waxaan idinku adkaynayaa in haddii aydin guurka dhibtiisa maarayn kar ayn, ay fiicantahay in laga joogsado. Furriinkuna wuxu carqalad ku noqon ayaa noloshaada, laakiinse guurka isqab qabsigiisu jiitamo mudo badan wa xa dhaama furriinka” sidaas waxa yidhi kiecolt Glaser oo ah saynisyahan reer Ohio ah.
Ugu danbayn,waxa cad in guurku ka caafimaad iyo wanaag badan yahay furriinka ama burburka qoyska, ayna tahay in wax badan laga war ware ego furriinka oo aan lagu degdegin. Si hadaba furriinka loo yareeyo waa in marka hore guurka lagu aasaasaa wanaag iyo is afgarad iyo is taageerid.