War Deg Deg ah;Mudaharaad Balaadhan Oo Ka Dhacay Magalada Kaasoo Lagu Tageerayo Go,aankii Golaha Wakiillada Somaliland ku meel mariyey Kala Qaadista doorashooyinka.
September 20, 2016 - Written by
War Deg Deg ah;Mudaharaad Balaadhan Oo Ka Dhacay Magalada Kaasoo Lagu Tageerayo Go,aankii Golaha Wakiillada Somaliland ku meel mariyey Kala Qaadista doorashooyinka.
Hargeysa(GLN)_Magaalada Hargeysa Ee Casimada Somaliland ayaa Saaka subaxnimadii hore ku waabariisatay Bannaan baxyo ay dadweynuhu ku marayaan jidadka waaweyn ee caasimadda.
Bannaan-baxyadan oo ay ka qayb qaadateen ururrada bulshada, haweenka Ardayda dugsiyada iyo Dadweynaha ee caasimadda Hargeysa, isla markana hada socda, ayaa ujeeddadisu tahay qaar lagu taageerayo go’aankii Golaha Wakiillada Somaliland ku meel mariyey Kala Qaadista doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo madaxweyne Siilaanyo digreeto uu dhawaan soo saaray ku kala saaray labadaas doorasho oo hore loogu qorsheeyey inay dalka ka qabsoomaan badhtamaha sannadka soo socoda.
Dhanka kale bannaan baxyayadan ayaa lagaga soo horjeeday mowqif ay beesha caalamka ee Somaliland ka taageera Arrimaha doorashooyinku kaga soo horjeedsatay go’aankaas iyagoo ku adkaystay in labada doorasho isku mar la qabto, hadii la qaban waayana ay Go,aan ka Gaadhi doonan qarashaadka ku baxa doorashooyinka Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland Axmed maxamed maxamud Siilaanyo ayaa dhawaan jawaab ka bixiyey mowqifka beesha caalamku kaga soo horjeedsatay go’aanka ka soo baxay Golaha Somaliland ee k u Aadan Kala Qaadida doorashooyinka.
bannaan baxyayadan ayaa muuqda mid ay soo abaabushay Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo iyadoo dadka ka qayb qaadanaya u badan yihiin ardayda Dugsiyada iyo Urrurada bulshada rayidka ah.
Sikastay ah ahaataba Dhawan ayey ahayd markii xisbiga mucaaradka ah ee waddani U Qadacay Go,aankii madaxweynaha Somaliland ku Kala Qaday labda Doorasho ee Golaha wakiilada iyo madaxtooyada ,oo ay Golaha wakiiladuna meel maryeen.