Wafdi ka socda Dawlada Turkiga oo gaadhay magaalada Kismaayo
February 26, 2018 - Written by

Kismaayo(GLN):-Wafdi ka socda Turkiga oo uu hoggaaminayo Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Bekar ayaa gaaray magaalada Kismaayo, halkaasoo kulamo kula qaateen Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo xubno ka tirsan maamulkiisa.

Wafdiga ayaa waxaa ka mid ahaa Xoghayaha dowladdaha Hoose ee Turkiga Hayrettin Gungor iyo Mas’uuliyiin ka socda Hey’addaha Turkiga.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa wafdigan ku soo dhoweeyay Madaxtooyada Kismaayo, waxaana dhex maray kulan labo geesood ahaa oo looga hadlayay hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha Jubbaland iyo taakulada Dowladda Turkiga ay ka gaysan karto sidii loo hormarin lahaa, si gaar ah dhismaha Magaalooyinka adeegyada Caafimadka Waxbarashada kaluumaysiga xoolaha iyo beeraha.

Wafdiga ayaa kormeer ku tagay Dekeda Kismaayo oo ay ugu kuur galeen habsami u socodka howlaha Dekeda.

Sidoo kale Wafdiga ayaa la geeyay deegaanka Goobweyn oo ah deegaan loo dalxiis tago oo ay isaga darsamaan Wabiga iyo Badda.

Dowladda Turkiga ayaa xilligan ah taageerada ugu weyn Soomaaliya, iyadoo mashaariic horumarineed iyo howlo sama fal ka fulisay magaalada Muqdisho iyo meelo kale.

COMMENTS