Ururka Al-Shabaab Oo Digniin Xoog Leh Ka Soo Saaray Doorashada ka Dhacaysa Soomaaliya.
September 20, 2016 - Written by

Ururka Al-Shabaab Oo Digniin Xoog Leh  Ka Soo Saaray Doorashada ka Dhacaysa Soomaaliya.

Muqdisho(GLN)_Kooxda Al-Shabaab ayaa markii u horeysay ka hadashay doorashada dhowaan ka dhacaysa somaliya , Taasoo lagu soo doornayo  Baarlamaan iyo Madaxweynaha.

Afhayeenka Kooxda Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in doorashadaas go’aanka uga yaala  uu yahay dil iyo dagaal, isagoo digniin u jeediyay odayaal Dhaqaameedka soo xulaya Baarlamaanka somaliya .

“Go’aanka uga yaala Mujaahidiinta doorashadaas waa dil iyo dagaal, waa qorshe dowladaha shisheeye soo agaasimeen oo laga leeyahay ajandayaal gumeysi”ayuu yidhi Cali Dheere.

Waxaa uu u jeediyay OdayaalDhaqaameedka  soo xulaya Xildhibaanada Baarlamaanka, in aysan noqon in laga dhigto jaran-jaro lagu koro halka la rabo, kadibna la iska tuuro sidii horay u dhacday oo kale.

Afhayeenka Kooxda Al-Shabaab Cali Dheere ayaa ku booriyay dagaalyahanada Ururka Al-Shabaab inay weeraro ku qaadaan goobaha doorashooyinka ka dhacaya, isagoo uga digay shacabka inay ka qeyb qaataan doorashooyinka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dooneysa inay xukunka ka tuurto xukumada  Soomaaliya ee uu Caalamka aqoonsan yahay, waxaana dagaal kula jirtaa Ciidamada AMISOM oo taageero siinaya xukumada somaliya.

Hadalkan ka soo yeedhay kooxda Al-Shabaab ayaa ku soo Beegmaysa Xil ay wax yari ka hadhsan yihin doorashooyinka ka dhacaya somaliya.

COMMENTS