Socdaalkii Senegal: Kaga bogo halkan. WQ: Cabdiraxmaan Gaas
March 17, 2018 - Written by C M
Wadanka Sinigaal ‘Senegal’ wuxuu ku yaallaa cidhifka galbeed ee qaaraddan cagaaran ee Afrika, wuxuu deris kala yahay dhinaca bari wadamada Guinea iyo Guinea Bissau, waqooyina Mauritania iyo Mali, Inta kalena bad-weynta Atlantic, waxaa xusid mudan inuu wadanka Gambia sidoo kale yahay wadan ku dhexjira Senegal oo dhinackasta uu kaga wareegsanyahay xagadda baddda mooyaane.
Taariikhda cusub ayuun baynu ku bilaabaynaaye, wuxuu xornimada ka qaatay wadanka Faransiiska 1964kii, waxaana madaxweynihii ugu horeeyey noqday Léopold Sédar Senghor oo xukumaayay 1964-1980kii; ahaana nin Kiristaan ah iyadoo wadanku yahay 94% Muslim, haye! Bal kasitee, waxaana xigay Abdou Diouf 1980 illaa 2000 waxaana bedeley Abdoulaye Wade oo xilka hayay 2000-2012kii, waxaana hadda madaxeyney ka ah Macky Sall oo isna Kiristaan ah.
‘Waxaa xusid mudan in wadankani yahay ka keliya ee galbeedka qaarada ku yaalla ee aan Af-gembe Meleteri ka dhicin weligii”
Dadka: Waxaa ku nool in ka badan 15 Milyan oo ka kooban 12 qoomiyadood oo shan ka midi ugu tunweyn yihiin, qoomiyadda ugu badani waa Wolof oo dega waqooyiga iyo badhtamaha; waxaana lagu qiyaasaa inay kala badh ka yihiin wadanka, luuqadoodu waa ta guud ee wadanka. ‘Assalaamu alaykum’, ‘malaykuma salam”, ‘non ge def’ waa erayada ugu horeeya ee aad ku salaamayso qofka Senegali ga ah. Woqooyiga wadanka waxaa wada deggan Fula/Peul/Fulbe/Fulani, waana qoomiyadaha ugu ballaadhan galbeedka Afrika. Serer waxay degaan gobolada badhtamaha, Malinke iyo Madinka waxay degaan dhinaca koofureed sidoo kale Diola/Jola waxay degaan koonfur galbeed. Qoomiyadaha yaryar waxaa ka mid ah Tukulor, Serahuli, Bassari, Bédik and Lebou. ‘Ufiirso qabaa’il maaha waxani waa qoomiyado luuqada iyo dhaqankaba ku kala duwan weligoodna dagaal ma dhex marin’.
Soo dhawaynta iyo sooryeyntu waa dhaqan ay ku suntanyihiin dadka reer Senegal, waxaa intaa u dheer qoob ka ciyaar iyo damaashaad ay kugu qaabilayaan, waxaanay aad u farxaan haday arkaan inaad leedahay macag ay fahmayaan, tusaale ahaan aniga waxay iila bexeen ‘Demba Konato’, hadaad hesho qof aad isku magac tihiina wuu kugu dhegdhegayaa; farxad qaarana wuu dareemayaa, siiba dadka masaakiinta ah.
Adeegyada Bulshada: Caafimaadku waa meelaha uu wadanku xooga saaro oo 12% miisaaniyada wadanku waxay gashaa caafimaadka waxaanay awooda saaraan cudurada ay ka mid yihiin, kaneecada, AIDS ka iyo Tallaalka, “Nasiib wanaag xaddiga xanuunka AIDS ka qabaa way ka yaryihiin 1%”. Iyadoo ay sidaa tahay hadana dhimashada caruurtu wey sareysaa oo 11 caruuraba mid baa dhinta intaanu shan jir gaadhin. Waxbarashada waa meelaha ugu sareeya Galbeedka Afrika dadka waaweyn 50% in ka badan ayaa kara akhriska iyo qoraalka, caruurtana 70% in ka badan ayaa dugsiyada aadda, wallow caqabado bandanna haystaan sida tirada Hablaha ee dugsiyada tegeysa oo hoosaysa, Buugaag ku qoran luuqadohooda gaar gaarka ah oo xadidan IWM.
Dhaqaalaha: Wadanku wuxuu isugu jiraa dad Beeralay ah, Kaluumaysato iyo Xoloo dhaqato, waxay soo saaraan cuntada ay cunaan inteeda badan, walaw dadku jecelyihiin sida Afrikaanka kale waxa lasoo dhoofiyo hadana waa wadan isku fillaan kara oo aan calooshiisa cid ugu yeedhanahayn. Sidoo kale waxay leeyihiin wershado sida kuwa Dharka tola, kuwo cuntooyinka farsameeya, kabaha iyo qaar kale. Wuxuu ku yaallaa meel aad u Istaraatiiji ah maadaama oo ay kulaalayaan qaaradda Ameerika iyo Yurub, waxay leeyihiin goobo dalxiis oo cajiiba sida Jaziirada Goree, sannadkii 2017kii waxay ku biirisay dakhliga guud ee wadanka (GDP) 11%; taasoo ka dhigan in dalxiisku muhiimad gaara u leeyahay. Qofkii waxaa kaga soo hagaagaaya Dakhliga guud ee wadanka 1093.40 USD, waana lacag aad u sareysa marka loo eego wadama Qaarada.
WQ: Cabdiraxmaan Gaas
COMMENTS
|
-
Yaa daaha dabadiisa ka murmaya? Qore: Dr-Abdulqani Hussein Beder
Maqaalkani waxa uu jihaynayaa hab dhaqanka waalidka ee fahamka ilmihiisa iyo fahamka macallinka ee ...
Thursday, October 23, 2025
-
“𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧 𝐋𝐚’𝐚𝐚𝐧𝐢 𝐖𝐚𝐚 𝐈𝐟𝐭𝐢𝐢𝐧 𝐋𝐚’𝐚𝐚𝐧” 𝙌𝙖𝙡𝙞𝙣𝙠𝙞𝙞: 𝙈𝙖𝙭𝙖𝙢𝙚𝙙 𝙔𝙪𝙪𝙨𝙪𝙛 𝘽𝙞𝙙𝙝𝙞𝙞𝙙𝙝 𝘽𝙖𝙙𝙙𝙖.
"𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧 𝐋𝐚'𝐚𝐚𝐧𝐢 𝐖𝐚𝐚 𝐈𝐟𝐭𝐢𝐢𝐧 𝐋𝐚'𝐚...
Thursday, October 9, 2025
-
Deeqsigii Degmada Xaaxi ee Hashii keliya ee uu lahaa u qalay Wasiirrada Somaliland!
Tuulada Xaaxi oo hoos tagta Gobolka Daad-madheedh ee Ood-weyne ayaa dadka halkaas ku nool oo ah dad...
Monday, November 9, 2020
-
Doorka Goleyaasha Deegaanka ee Abuurista Adeeg Bulsho oo Hufan. WQ: Axmed Nuur Muuse
Hordhac:
Jamhuuriyadda Somaliland (JSL) waa dalka qudha ee ku yaalla Geeska Afrika ee ay doorash...
Friday, November 6, 2020
-
WAHSIGA. WQ: Ciise Maxamuud Geelle (Ciise Waddani)
Anas Ibnu Malik Waxa uu Nabiga kasoo maqlay s.c.w ducadan:- "Allow waxan kaa magan galay walwalka/w...
Sunday, November 1, 2020
-
Maxaa Ka Khaldan Injineerada Dhismaha Mise Qandaraasleyaasha Kham-khama? WQ: Cabdiraxmaan Cadami
Markii iigu horaysay waxaan bookhday laba dhisme oo waaweyn oo dhawaan loo dhisay laba hay...
Monday, October 12, 2020
-
Cibaadada fekerka/fikirka. WQ: Ciise Waddani
“Waa kuwa ilaahay xusaya iyagoo taagan, iyagoo fadhiya, iyo iyagoo jiifa, kana fekeraya abuuridda...
Tuesday, July 21, 2020
-
Baryadda Alle. Qalinkii: Hal-abuur Ciise Maxamuud Geelle “Ciise Waddani”
“Rabbigiin wuxu idin leeyahay I barya waan idinka aqbaliye, kuwa iska weyneynaya cibaadadeyda wax...
Monday, February 24, 2020
-
Mareykan iyo Iiraan: Laba Abeeso Oo dhiiggayga Jaqaayey, Maanta Ma Is Cunayaan? WQ: Dr. Abdulqani Hussein Badder
Labadii u heshiiyey burburinta muslimka sunniga ah, labadii
Ciraaq, dilay ee deldelay Saddaam Xusee...
Thursday, February 6, 2020
-
Fahanka Wakhtiga iyo fariinta waayaha. WQ: Ciise Maxamuud Geelle “Ciise Waddani”
Muddada jiritaanka jidhka basharka iyo nagaanshaha ruuxdu xilliga uu gaadho ayaa laba siyood u muuq...
Thursday, January 23, 2020
-
Guushu Waa Garashada Iyo Garowshiiyaha| Sicirbararka iyo Qiima dhaca Shilinka| WQ: Dr. Cabdiqani Beder
Sababta ugu weyn ee qiima dhaca shilinka Soomaaliland loo xakamayn kari la’yahay waa fahamka gurr...
Tuesday, January 14, 2020
-
Waxa uu go’aansaday in uu is dilo! WQ: Dr. Cabdiqani Xuseen “Beder”
"Waxa aan ku daalay noloshii, ixtiraamna kuma haysto halkan, cid i daryeeshana ma haysto, sidaa awg...
Tuesday, January 14, 2020
-
Qorshaynta Mustaqbalka fog. WQ: Dr. Cabdiqani Xuseen Muxammed (Beder)
Qofka Muslimka ahi waa qof aragti dheer oo ogaanshihiisu
ka tallowsan yahay waxa muuqda.
Culuumt...
Friday, December 20, 2019
-
Sidee loo dhisi karaa Somaliland la wada leeyahay? WQ: Mustafe Ismail Bulaale (Mustafe Dawlad)
“Ninku yidhi sinaan mayno
adna buri sarayntiisa
sedka waad wadaagtaane
ma sagaashan baa ...
Friday, December 20, 2019
-
Hadallada Nacaybku Miyay Ka Mid Yihiin Xorriyadda Hadalka. WQ: Cabdiraxmaan Cadami
Qodobka 32-aad ee dastuurka JSL wuxuu u dhigan yahay in Muwaadin kasta uu xor u yahay in uu rayigii...
Sunday, November 10, 2019
-
Xabag-Barsheed: Xiddiga Diiwaannada Laga Qoray Miisaanka Maansada Soomaaliyeed. WQ: Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)
Waxa 28kii Feb 2019ka gacantayda soo galay Diiwaanka Xabag-Barsheed: Miisaanka Maansada S...
Wednesday, April 10, 2019
-
Af Soomaaliga: Marxaladda Maanta Iyo Jiritaankiisa Mustaqbalka. WQ: Khaalid Bulshaawi
Marxalado kala duwan iyo dadaalo is Xigay oo muddo dheer
soo socday Ugu danbayn sanadkii 1972 kii a...
Thursday, February 14, 2019
-
Adiga Ayaan Kuu Shaqeeyaa! WQ: Xamse Cumar Kujoog
Hadda
ayuu kasoo galay shaqo iyo shirar qaatay saacado dhawr ah, oo uu la galay qaar
ka mid ah Goli...
Thursday, February 14, 2019
-
Balaayo Loo Baahan Yahay! WQ: Xamse Cumar Kujoog
Maalin wanaagsan, muddo kooban oo laba bilood ku siman 04-Dec – 04- Feb ayaan halkan (Facebook) k...
Tuesday, February 5, 2019
-
Abwaan Dheeg iyo Buugga “Dhaxal Abwaan”. WQ: Faysal Jaamac
Weedho
ugu danbayn lahaa aan soo horreysiiyo: ‘Taariikh-suugaaneedka Abwaan Dheeg waa
daaqad ...
Sunday, January 13, 2019
-
Waa Maxay Dawladdi?
In
ka badan 3 boqol oo sanno kahor dhalashadii Ciise (cs) Philip II kalsoonaa buu
ku qabay qabs...
Sunday, January 13, 2019
-
Sirtu Waa Ku Qanacsanaanta Had ba Wixii Aad Haysato. By: Musa M. Isse
Si kasta oo dadyawga dunida ku nooli u kala duruufo duwan yihiin haddana waxa uu qof kastaa raadinay...
Tuesday, January 8, 2019
-
Xalka Lagu Furdaamin Karo Doorasho Somaliland Ka Dhacda March 2019. WQ: Musharax Axmed Max’ed Cisman Caalin
Tan iyo Aasaaskii qaranimada somaliland 1991 somaliland waxyaabaha lagu majiirto waxa kow ka ah naba...
Tuesday, November 6, 2018
-
Raadkii Saxaabada. WQ: DR. Jaamac Muuse Jaamac
Ma ay ahayn gef xilliga ah. Waxay ahayd 4.30kii. “Kuwa Eebbe rumeeyayow, ooga salaadda, sidaasaa k...
Saturday, October 13, 2018
-
Is Kaa Wax U Qabsadii Ardayda Sheekh Bashiir Hargeysa. WQ: Maxamed Aadan Tarabbi
Waagii aan ku jiray Dugsiga Dhexe Ee Sheekh Bashiir Hargeysa waxaan Maamule Cawil iyo Khadra oo mark...
Monday, August 6, 2018
More Wararka
|