Banaanbaxyo Waaweyn Oo Lagaga Soo Horjeedo Muranka Badda Ee U Dhexeya Somaliya Iyo Kenya ayaa Saaka Ka Dhacay Magalada Muqdisho.
September 21, 2016 - Written by

Banaanbaxyo Waaweyn Oo Lagaga Soo Horjeedo Muranka Badda Ee U Dhexeya Somaliya Iyo Kenya ayaa Saaka Ka Dhacay Magalada Muqdisho.

Muqdisho(GLN)_Mudaharaadkan Balaadhan  Ee Saaka dhacay Magalada Muqdisho ayaa looga soo horjeedo muranka Badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya , iyadoo mudaharaadka  uu soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Banaadir.

mudaharaadka ayaa saaka ka dhacay  Fagaaraha Daljirka Dahsoon iyo Ex Baarlamaan, halkaasoo shacabka degan 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir ay isugu soo baxaan, si ay u muujiyaan dareenkooda ku aadan Qadiyadda Badda ee Soomaaliya.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa ugu baaqay shacabka Gobolka Banaadir inay Mudaharaadkan Dareenkooda ku Muujiyaan.Isla markaana Badda Soomaaliya  in aanay  iib aheyn shakina la gelin karin.

Dhanka kale Mudaharaadkan ay  looga soo hor-jeedaa xukumada dalka  Kenya Damaca ay ku dooneyso Badda Soomaaliya  qeyb ka mid ah oo la rumeysan yahay inay yihiin goobaha ay  ku jira kheyraad, sida Batrool.

Banaan baxa maanta ka dhacaya Magalada Muqdisho ayaa ku soo beegmayaa, iyadoo maalintii 3aad ay galeyso dhageysiga dooda dacwada Badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, waxaana shalay la dhageystay qareennada u doodayay Soomaaliya.

ISkasta  ha ahaate Muranka Badda ee U Dhexeya somaliya iyo kenya ayaa mudooyinkii u danbeyey si xogaysanayey iyada oo mid baa mid kale ku doodayo in u le yahay Badda.

COMMENTS