Jawaari “Weli ma dhicin in xaruntii Baarlamaanka in ciidan la dul dhigo, waa in Xukuumadda…”
March 31, 2018 - Written by

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo caawa shir jaraa’id u qabtay ayaa farriin u diray Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, isagoo ugu baaqay in Xukuumadda faraha kala baxdo howlaha Baarlamaanka.

Jawaari ayaa sheegay in aanay weli dhicin in Baarlamanaka ciidan la dul keeno, isla markaana ay tahay saan saan qatar ah oo ah dareen u eg afgambi, waxaa uu ka digay in xaalada in aan looga darin.

“Weli ma dhicin in xaruntii Baarlamaanka ee xormada lahayd ciidan la dul dhigo, amniga xarunta wuxuu saaran yahay guddoonka, hase yeeshee arrinta lagu kacay ma qurux badna waxayna keeni kartaa arrimo ka sii culus oo xasilooni darro ayaa ka imaan karta, waxaan uga digayaa laanta fulinta inay faragelinta naga dhaafaan, inay ciidamada ka dul qaado xarunta Baarlamaanka, kana deyso faragelinta”ayuu Guddoomiye Jawaari.

Waxaa uu sheegay in Baarlamaanka aanay wax faragelin iyo carqalad ku heyn Xukuumadda, inay shaqadeeda ku taageeraan, isla markaana arrin masiiri ah oo ay Baarlamaanka u soo gudbiyeen aanay ka diidan.

Jawaari ayaa xusuusiyey dhaartii ay mareen Xildhibaanada,  isagoo ugu baaqay Alle ka cabsi iyo inay damiirkooda la tashadaan, kana digtoonaadaan burburinta baarlamaanka.

COMMENTS