Ciidamo kaTirsan Milatari Somalia oo lagu weeraray wadada u dhexeysa Jowhar iyo Balcad.
April 18, 2018 - Written by maamule

Jowhar(GLN):-Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in baabuur nooca dagaalka ah oo ay saarnaayeen ciidamo milatari ah lagu weeraray meel u dhexeysa deegaanada Gololey iyo Qalimow oo ka tirsan degmada Balcad.

Ciidamada la weeraray ayaa la sheegay inay ka soo tageen degmada Mahaday iyagoo ku sii jeeday magaalada Muqdisho, waxaana weerar kedis ah ku qaaday maleeshiyaad wadada ku jirey kuwaas oo loo maleynayo inay ahaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal halkaa uu ka dhacay iyadoo qaar kamid ah ciidamada milatariga ay soo gaartay waxyeelo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamada ku dhaawacmay iskahorimaadka ayaa la sheegay inuu ku jiro sarkaal madax u ahaa ciidamada degmada Mahaday kaasoo magaciisa lagu soo gaabiyay Muqtaar Jareer.

Hase yeeshee waxa ay wararku sheegayaan in iskahorimaad uu weli ka socdo halka loo yaqaan Il-Baq oo ah goobta lagu weeraray ciidamadan. Inkastoo uusan jirin illaa iyo hadda war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Sh/dhexe iyo kan dowlad goboleedka Hirshabelle.

Ammaanka wadada laamiga ah ee isku xirta degmooyinka Jowhar iyo Balcad ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay wanaagsanaa iyadoo shalay ay soo mareen kolonyo gaadiid ah oo gelbineysay madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe iyo masโ€™uuliyiin kale oo ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabelle.

Sources;Jowhar

COMMENTS