Dowlada Imaaraadka Carabta oo Markii Ugu Horeysay ka hadlay xiisada siyaasadeed ee kala dhaxeeya Soomaaliya.
April 18, 2018 - Written by maamule
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta Anwar Maxamed Qarqaash ayaa ka hadlay xiisada siyaasadeed ee kala dhaxeeya Soomaaliya, isagoo soo hadal qaaday in heshiiskii Dekeda Berbera uu ku yimid is faham dhex maray dowladdii hore ee Soomaaliya.
“Arrinta Dekeda Berbera waxay ku dhacday is faham cad oo aan la yeelaneynay dowladiii hore ee Soomaaliya, is fahamadaas waxay ahaayeen kuwo cad cad, waxay hoos imaanayeen taageerada Soomaaliya oo mid ah, innaga qunsuliyad kuma lihin Somaliland, safaaradana kuma lihin, xiriirna lama lihin, iskaba daayee waxaa kaalin fududeyn ka qaadanay inaan kulamo u qabano madaxda Soomaalida, waxay ku kulmeen Dubai iyo Abu Dubai, haddii aan aqoonsanahay siyaasadda Soomaali mid ah, in aysan naga reebeyn inaan ka shaqeyno dhinacyada horumarinta, gargaarka iyo kaalmada in aan Somaliland ka sameyno”ayuu yiri Anwar Qarqash.
Mar uu ka hadlayay wada hadalada lagu xalinayo khilaafka diblomaasiyadeed ayuu sheegay in Soomaaliya looga baahan yahay wada hadal furan oo aan qol xiran aheyn.
“Haddii qof ku kalameynayay 20 illaa 25 sano ay wax idin dhex maraan waa in aad kala hadashaa, ma ahan inaad qabsato diyaarad ay saaran yihiin 47 askari Imaaraad ah oo ciidamada tababaraya oo ku dhowaad 10 milyan dollar ciidan wixii ku baxayay siday oo aad go’aan kaas qaadato oo aad arrinta dhahdo, waxaa ku xalineynaa qol xiran, maya sidaas howsha kuma dhamaaneyso waa in arrintaas cadaataa”ayuu yiri Anwar Qarqash.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inuu socdo wada hadalo lagu xalinayo mad madowga labada dal soo kala dhex galay iyo arrintii dhacday 8-dii bishan ee lagu xayiray diyaarad ka diwaangashaneyd Imaaraadka Carabta, isla markaana Ciidamada Amniga Soomaaliya la wareegeen lacag gaareysay 9.6 milyan.
Xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa sii xumaanayay, waxaana Imaaraadka ay ku dhawaaqeen inay joojiyeen howshii tababarada ay ka wadeen Soomaaliya, iyagoo si KMG ah u joojiyay shaqadii Isbitaal ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho, kaasoo maalin walba bukaan socotada siinayay daawo.