Daawo Ciidamada Amaanka Somaliland Oo Xabsiga U Taxaabay Boqor Cismaan Buurmadow.
April 19, 2018 - Written by maamule

Hargeysa(GLN):- Ciidamada Pooliska Somaliland ayaa Cawa Xabsiga U Taxaabay Boqor Cismaan Buurmadow Oo ka mid ah Wax Garadka Reer Somaliland ka dib Markii u Dhawaan Caleemo saar kaga Qayb galay Deegaanada Maamulka Puntland.

Boqor Buurmadow ayaa shirka caleemo saarka ka sheegay in ay ciidamada somaliland ka soo baxaan jiida hore ee ay ku sugan yihin xili ay xiisad coladeed dhex taalo somaliland iyo puntland.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland Faysal xiisa ayaa Warbaahinta u Xaqiijiyey Xadhiga Boqor Buurmadow.

COMMENTS