Xukumada  Soomaaliya oo soo bandhigtay sarkaal ka tirsanaa Kooxda Daacish.
April 24, 2018 - Written by maamule

Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo bandhigay Jaamac Xusseen Xasan oo ay sheegeen in uu ka tirsanay kooxda Daacish.

Jaamac ayaa ka dagaalamay wadamada Suuriya iyo Iraaq asigoo ka tirsan kooxda Daacish, laakiin markii dambe u soo wareegay Daacish-ta Soomaaliya ka dagaalanta gaar ahaan deegaannada Puntland.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in uu horay ugu tirsanaa kooxda Al-shabaab, laakiin markii ay labo u kala qeybsameen uu ku soo biiray garabka kooxda Daacish.

Ciidamada Booliiska ayaa sheegay in ninkaan gacanta lagu soo dhigay asigoo ku aasayay miino deegaan ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Warbaahinta ayuu sheegay Jaamac in uu qeyb ka ahaa fulinta dilal ka dhacay degmooyinka Boosaaso iyo Afgooye.

Sources;Hiiraan

COMMENTS