Maanso Ku Saabsan Carruurta Derbijiifka Ah Oo Saamayn Yeelatay
May 6, 2018 - Written by maamule
Maansdaan oo uu halabuuray Cabdirxiin Siddiiq “Heello” ayaa si qoto dheer uga hadlaysa waayaha nololeed ee carruurta derbijiifka ah. Waa kan isaga oo ka sheelaynaya sidii uu u sameeyey maansada: “Muddo ayaa ka soo wareegtey milaygii ay tixdan derbi-jiif ku soo baxdey. Waa tixdii iigu adkayd hal-abuurideeda laba arrimood dartood: 1. Aniga oo dheregsan in ay adagtahay in aan cabbiro dareenka qof gaajoonaya . 2. Aniga oo faraxsan in ay adag tahay in aan ka war tebiyo rabitaanka qof murugaysan. Sidaa darteed ayaan afar dharaarood wakhti ula qaatey bal in aan la dareen noqdo si aanan xuquudooda iyo gudbinta rabitaanooda aanan ugu xad-gudbin. Waxa aan xasuustaa wiil ka mid ah mar aan waydiiyey xilliyada ugu naxdinta ama murugada badan noloshiisa waxa uu iigu war-celiyey laba xaaladoid . 1. Marka uu roobku soo yeel-yeesho ama uu gu’gu curto waxa aa ku xasuustaa mataantii ila dhalay iyo daadkii qaadey aniga oo arkaya . 2.marka aan arko wiil da’dayda ah oo direyskii dugsiga ku gaashaaman iyo aniga oo safrad la daaduumaya . Waxa aan ka naxaa labada dabaqad ee noloshu na kala geysey.” Ayuu yidhi halabuur Cabdirixiin. Waa kuwan erayadii maansadu: Duruuf adag baan ku koray Baahida dacalkayga taal Han-doora mar baan lahaa Dulliga nolosheen ku jiro Ayaan qudha deeq ma helin Badh baa daacuun u go’ay Aqoon-yahan nama dersaan Kuwii dadka ii xigaan Rag iyo dumar baanu nahay
Gacanlibaaxnews.com
COMMENTS
|
|