16 Jir Billad Geesi Lagu Abaalmariyey Oo Hooyo Iyo Laba Carrruur Ah Daad Ka Badbaadiyey
June 1, 2018 - Written by C M

Hargeysa (GLN): Cabdiqani Xuseen Xasan, waa 16 jir naftiisa halis u geliyey si uu daad uga badaadiyo laba carruura iyo hooyadood, halka laba kalena ay ku geeriyoodeen masiibadii daadkii balliga Qudhac-dheer.

Cabdiqani ayaa billad-geesi lagu hor guddoonsiiyey boqaal arday oo ka wax barta dugsiga Qudhac-dheer oo uu ka mid yahay ardayda wax ka barata.
Aniga oo ah Cabdishakuur Muxumed Muuse (Heersare) Waxa aan u mahadcelinayaa oo hawsha billadda i la agaasimay Aniisa Sabaax, Cabdirisaaq Cisman Fadal iyo Mahad Abdule oo isagu qaybtii hore ee agaasimka na yar daahay, hasayeeshee xagga dambe naga soo gaadhay.
Waxa kale oo aan iyagana u mahadcelinayaa Mohamed H. Dirir oo qaabilsanaa agaasimka hawsha ee gudaha iyo Khaalid Foodhaadhi oo diyaariyey warbixin qiimo badan oo uu ka sameeyey billad guddoonsiinta.

No automatic alt text available.

Image may contain: 9 people, including Cabdiqani Xuseen Baynax, people smiling, crowd and outdoor

Gacanlibaaxnews.com

News Desk.

COMMENTS