Kufsi La Shaaciyey Inuu Ka Dhaco Jidka Isku Xidha Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo
June 22, 2018 - Written by

Baydhabo (GLN): Todobaadyaddii u dambeeyay waxaa qeyla dhaan Xoogan ay ka soo yeedhaysaย  dadka rakaabka ah ee ku safra wada isku xidha Muqdisho iyo Baydhabo.

Dadkaa ayaa ka cabanayay dhac, kufsi, iyo dil ay mararka qaar rakaabka kula dhaqaaqaan kooxo hubeysan oo jidka u gala Gadiidka ay la socdaan.

Xildhibaano ka tirsan baarlamanka federaalka Soomaaliya ayaa horey dhowr jeer uga hadlay amni darida ka taagan jidka.

Guddigga Xuquuqul Insaanka ee baarlamanka Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay diwangeliyeen 19 gabdhood oo rakaab ah oo kufsi loo geystay.

COMMENTS