Waa Maxay Wax Tarka Malabku ? WQ: Abshir Maxamuud Maxamed
July 3, 2018 - Written by C M
Malabka taariikh ahaan waxaa la sheegaa in la isticmaali jiray muddo 3000 (saddex kun) oo sano Nabi Ciise (RC) ka hor.
Sidoo kale Faraaciintii hore uu ugu jiri jiray maadooyinka wax lagu xifdiyo sida hilibka, khudradda IWM. Iyadoo meydkana ay marin jireen. Bakteeriyaduna awood uma laha in ay ku noolaato malabka dhexdiisa in ka yar toban (10) daqiiqo.
Malabka sida la sheego 700 (todoba boqol) oo sano ka hor ilmo dhintay oo lagu riday ama lagu keydiyey santuuq malab ah, ayaan wax is badal ah ku imaan. Malabka waxa uu ka mid ahaa hadyooyinkii qaaliga ahaa ee la is guddoon siin jiray, sidoo kale waxa uu ka mid ahaa Nabi Yuusuf (RC) wixii loola yimid.
Sidaas oo kale waxa uu soo wariyey kitaabka Towreed magac ahaan Nabi Suleymaan (RC) waxa uu amri jiray ciidankiisa in ay raadiyaan malabka waana uu isticmaali jiray.
Haddaba qiimaha malabka waxaa uu Rabbi (SWT) ku sheegay Qur’aanka Kariimka ah, suuradda lagu magacaabo suuratul Naxli aayaddaha 68 ilaa 69aad. Sidoo kale suuradda Muxammed aayadda 15aad. Sidaas si la mid ah Nabiga (NNKHA) meelo badan ayuu kaga hadlay malabka in uu daawo yahay.
Haddaba aynu isla eegno malabka inta uu u dhigmo cunto ahaan:
Waxa la tilmaamaa inuu malabku dhaliyo firfircooni. Wuxuuna 100grm (boqol garaam) oo malab ah jirka siiyaa 300 (saddex boqol) xaraarad ah, halkii kiiloo garaam (1kg) wuxu u dhigmaa cunto ahaan shan liitar (5ltr) oo caano ah, ama lix-iyo labaatan (26) xabo oo muus (moos=banana) ah, ama lixdan (60) xabo oo liimo Bambeelmo ah, ama konton (50) xabo oo ukun (egg) ah, ama kow iyo toban kiilo iyo todobaatan iyo shan garaam (11.750grm) oo hilib ah siiba hilibka Dibi, ama-se laba iyo toban kiilo (12kg) oo khudrad (vegetables) iyo macmacaanka oo u leh wax tar dheef shiidka iyo xubnaha.
Sidoo kale dhanaanka malabka waxa uu qofka u furaa cuntada isla markaa waxaa kororta korodhsiimada dhiigga, wuxuuna u qaas yahay feytamiinada (Vitamines) A, B, & G.
Sida la og yahay malabka waxaa ka buuxa macaadin, waxana ilaa imminka la hayaa oo laga soo saaray shan iyo toban (15) nooc. Waxa ka mid ah:
Protein, macdanta, Naxaasta, Kubriyam, Botaasiyam, Mingiliisiyam, Phosphor, Color Sowdiyan, Kalsiyam Silkooyet, Silikom, Manganiis iyo faytamiinada B, B2, B5, B6, G iyo khamiirka, sidoo kale Nitroojin sitrik iyo saliida.
Haddaba haddii la rabo in la isticmaalo malabka waa in la kariyaa lagana qaado xoorta, waa hubaal daawadiisa.
Si gaar ah wuxu daawo u yahay Beerka (The Liver) ama ba beer-xanuunka mana dhaco ruuxii daa’ima isticmaalka malabka!
Ilmaha (children) waxa looga daaweeyaa ama looga ilaaliyaa Burukiitada, hargabka cunto xumada, nafaqo la’aanta, tani waa haddii loo daa’imo oo la siiyo maalin kasta saddex jeer (3 times) min nus qaado.
WQ: Abshir Maxamuud Maxamed
COMMENTS
Deeqsigii Degmada Xaaxi ee Hashii keliya ee uu lahaa u qalay Wasiirrada Somaliland!
Tuulada Xaaxi oo hoos tagta Gobolka Daad-madheedh ee Ood-weyne ayaa dadka halkaas ku nool oo ah dad...
Monday, November 9, 2020
Doorka Goleyaasha Deegaanka ee Abuurista Adeeg Bulsho oo Hufan. WQ: Axmed Nuur Muuse
Hordhac:
Jamhuuriyadda Somaliland (JSL) waa dalka qudha ee ku yaalla Geeska Afrika ee ay doorash...
Friday, November 6, 2020
WAHSIGA. WQ: Ciise Maxamuud Geelle (Ciise Waddani)
Anas Ibnu Malik Waxa uu Nabiga kasoo maqlay s.c.w ducadan:- "Allow waxan kaa magan galay walwalka/w...
Sunday, November 1, 2020
Maxaa Ka Khaldan Injineerada Dhismaha Mise Qandaraasleyaasha Kham-khama? WQ: Cabdiraxmaan Cadami
Markii iigu horaysay waxaan bookhday laba dhisme oo waaweyn oo dhawaan loo dhisay laba hayâ...
Monday, October 12, 2020
Cibaadada fekerka/fikirka. WQ: Ciise Waddani
“Waa kuwa ilaahay xusaya iyagoo taagan, iyagoo fadhiya, iyo iyagoo jiifa, kana fekeraya abuuridda...
Tuesday, July 21, 2020
Baryadda Alle. Qalinkii: Hal-abuur Ciise Maxamuud Geelle “Ciise Waddani”
“Rabbigiin wuxu idin leeyahay I barya waan idinka aqbaliye, kuwa iska weyneynaya cibaadadeyda wax...
Monday, February 24, 2020
Mareykan iyo Iiraan: Laba Abeeso Oo dhiiggayga Jaqaayey, Maanta Ma Is Cunayaan? WQ: Dr. Abdulqani Hussein Badder
Labadii u heshiiyey burburinta muslimka sunniga ah, labadii
Ciraaq, dilay ee deldelay Saddaam Xusee...
Thursday, February 6, 2020
Fahanka Wakhtiga iyo fariinta waayaha. WQ: Ciise Maxamuud Geelle “Ciise Waddani”
Muddada jiritaanka jidhka basharka iyo nagaanshaha ruuxdu xilliga uu gaadho ayaa laba siyood u muuq...
Thursday, January 23, 2020
Guushu Waa Garashada Iyo Garowshiiyaha| Sicirbararka iyo Qiima dhaca Shilinka| WQ: Dr. Cabdiqani Beder
Sababta ugu weyn ee qiima dhaca shilinka Soomaaliland loo xakamayn kari la’yahay waa fahamka gurr...
Tuesday, January 14, 2020
Waxa uu go’aansaday in uu is dilo! WQ: Dr. Cabdiqani Xuseen “Beder”
"Waxa aan ku daalay noloshii, ixtiraamna kuma haysto halkan, cid i daryeeshana ma haysto, sidaa awg...
Tuesday, January 14, 2020
Qorshaynta Mustaqbalka fog. WQ: Dr. Cabdiqani Xuseen Muxammed (Beder)
Qofka Muslimka ahi waa qof aragti dheer oo ogaanshihiisu
ka tallowsan yahay waxa muuqda.
Culuumt...
Friday, December 20, 2019
Sidee loo dhisi karaa Somaliland la wada leeyahay? WQ: Mustafe Ismail Bulaale (Mustafe Dawlad)
“Ninku yidhi sinaan mayno
adna buri sarayntiisa
sedka waad wadaagtaane
ma sagaashan baa ...
Friday, December 20, 2019
Hadallada Nacaybku Miyay Ka Mid Yihiin Xorriyadda Hadalka. WQ: Cabdiraxmaan Cadami
Qodobka 32-aad ee dastuurka JSL wuxuu u dhigan yahay in Muwaadin kasta uu xor u yahay in uu rayigii...
Sunday, November 10, 2019
Xabag-Barsheed: Xiddiga Diiwaannada Laga Qoray Miisaanka Maansada Soomaaliyeed. WQ: Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)
Waxa 28kii Feb 2019ka gacantayda soo galay Diiwaanka Xabag-Barsheed: Miisaanka Maansada S...
Wednesday, April 10, 2019
Af Soomaaliga: Marxaladda Maanta Iyo Jiritaankiisa Mustaqbalka. WQ: Khaalid Bulshaawi
Marxalado kala duwan iyo dadaalo is Xigay oo muddo dheer
soo socday Ugu danbayn sanadkii 1972 kii a...
Thursday, February 14, 2019
Adiga Ayaan Kuu Shaqeeyaa! WQ: Xamse Cumar Kujoog
Hadda
ayuu kasoo galay shaqo iyo shirar qaatay saacado dhawr ah, oo uu la galay qaar
ka mid ah Goli...
Thursday, February 14, 2019
Balaayo Loo Baahan Yahay! WQ: Xamse Cumar Kujoog
Maalin wanaagsan, muddo kooban oo laba bilood ku siman 04-Dec – 04- Feb ayaan halkan (Facebook) k...
Tuesday, February 5, 2019
Abwaan Dheeg iyo Buugga “Dhaxal Abwaan”. WQ: Faysal Jaamac
Weedho
ugu danbayn lahaa aan soo horreysiiyo: ‘Taariikh-suugaaneedka Abwaan Dheeg waa
daaqad ...
Sunday, January 13, 2019
Waa Maxay Dawladdi?
In
ka badan 3 boqol oo sanno kahor dhalashadii Ciise (cs) Philip II kalsoonaa buu
ku qabay qabs...
Sunday, January 13, 2019
Sirtu Waa Ku Qanacsanaanta Had ba Wixii Aad Haysato. By: Musa M. Isse
Si kasta oo dadyawga dunida ku nooli u kala duruufo duwan yihiin haddana waxa uu qof kastaa raadinay...
Tuesday, January 8, 2019
Xalka Lagu Furdaamin Karo Doorasho Somaliland Ka Dhacda March 2019. WQ: Musharax Axmed Max’ed Cisman Caalin
Tan iyo Aasaaskii qaranimada somaliland 1991 somaliland waxyaabaha lagu majiirto waxa kow ka ah naba...
Tuesday, November 6, 2018
Raadkii Saxaabada. WQ: DR. Jaamac Muuse Jaamac
Ma ay ahayn gef xilliga ah. Waxay ahayd 4.30kii. “Kuwa Eebbe rumeeyayow, ooga salaadda, sidaasaa k...
Saturday, October 13, 2018
Is Kaa Wax U Qabsadii Ardayda Sheekh Bashiir Hargeysa. WQ: Maxamed Aadan Tarabbi
Waagii aan ku jiray Dugsiga Dhexe Ee Sheekh Bashiir Hargeysa waxaan Maamule Cawil iyo Khadra oo mark...
Monday, August 6, 2018
Muranka Somaaliya iyo Jabuuti, Waxaa La Gaadhay Xilligii Uu Farmaajo Xilka Ka Degi Lahaa. Faallada Xassan Cumar Hoorri
Dadweynaha Somaaliya ayaa, maalmahan, si isdabajoog ah u eedeeyay Madaxweyne Farmaajo iyagoo ku canb...
Monday, August 6, 2018
REFLECTIONS ON BERBERA PORT CONCESSION AGREEMENTIN ANTICPATION OF CHANGINGES IN THE HORN OF AFRICA. By: Dr. Mohamed Fadal:(mohdfadal@yahoo.ca)
The Berbera Tripartite Concession Agreement which Somaliland entered with the DP World of the United...
Saturday, August 4, 2018
More Wararka