MAYOR MURAAD : HADDII MUUSE LA DOORTO MAR LABAAD IYO BUURAHA,SUBXAANALAAH
September 22, 2016 - Written by

MAYOR MURAAD : HADDII MUUSE LA DOORTO MAR LABAAD IYO BUURAHA,SUBXAANALAAH.

bw

Wuxuu Abwaan Cali Dhuux Adan  yidhi :
Hadalka  layskama dhaho iyo wayga soo dhacaye,
Asagoo dhagaxyo waa-wayn ka culus waan dhugsiin jiriye.
Alaylahi Duqa Magaalada Burco, Mayor Muraad, hadal dhagaxyo waa-wayn ka culus ayuu dhawaan dhugsiiyay, markii   uu ku tiraabay  in haddii Col Muuse Biixi la doorto   Somaliland ku danbayn doonto ‘MAR LABAAD IYO BUURAHA “.   Mayor Muraad  soomo  araaran , manu afeef-dhigan   , hadalkuna kamo soo dhicin ,balse wuxuu yidhi asagoo   xiskiisa  iyo maankiisaba qaba oo dhamaystiran .   Mayor Muraad, wuxuu ka mid ahaa rukumada waawayn ee Kulmiye ku  tirsanyahay  , siiba Gobolka Togdheer. Hadalkaa kasoo yeedhay  Mayor Muraad,  wuxuu tilmaamayaa  garaadka siyaasadeed ee bulshada Somaliland oo soo kobcaaya   oo kala saaraaya runta iyo huhaada , qabiilka iyo qaranka. Waxay garteen halka ay danto ku  jirto. Waxay arkaan Somaliland oo gashay gudoon siyaasadeed “political isolation” haddii  Col. Muuse qabtana uu ku ridi doono god madow “ Black hole “. Shacabka Somaliland , oo Mayor Muraad ugu horeeyo, waxay  kala dooran doonaan  Nabad  & colaad; Qalin &  Qori ; Diktoor & Dable ; Diploomasi & Dagaal Ooge. Mayor Muraad, hadalkiisa si degan ayuu uga fiirsaday, si cadna wuu u yidhi.  Laakinse, waxa dhici doonta  inuu sidii  Wasiir Cukuuse ka noqdo hadalkiisa oo yidhaahdo sidaas umaan jeedin ee waa la majar-habaabiyay . Bal aan eegno Mayor Muraad iyo  berito.
Qalinka : Drs Hoodo Yusuf , Uk, London.
         yhoodo@yahoo.com

COMMENTS