Suxufigii Caanka Ahaa Ee Yoonis Cali Nuur Oo xalay Ku Geeriyooday London
July 20, 2018 - Written by C M

London (GLN): Allaha u naxariistee waxaa xalay isbitaal ku yaalla magaalada London ku geeriyooday marxuum Yoonis Cali Nuur, oo ka mid ahaa wariyeyaasha ugu caansanaa warbaahinta Soomaalida.

Yoonis Cali Nuur ayaa muddo dheer saxaafada ku soo jiray, waxaana lagu tilmaamaa aabayaasha warbaahinta.

Waxaa uu saxaafadda ku soo biiray sanadkii 1973, isagoo ka shaqo bilaabay Radio Muqdisho, sidoo kale sanadkii 1983 ayuu ku biiray Idaacadda BBC.

Yoonis Cali Nuur waxaa uu dhashay sanadkii 1952, isaga oo ku dhashay deegaanka Arabsiyo , Waxaa uu muddooyinkii u dambeeyay la taliye u ahaa Wasiirka Warfaafinta Somaliland, isagoo mar ka shaqeeyay warbaahinta dowladda, gaar ahaan Telefishinka Somaliland ee SLNT.

COMMENTS