Wiil U Geeriyooday Dhaawac Uu Waraabe Gaadhsiiyey
July 21, 2018 - Written by C M

Cabdi Geeddi (GLN): Yaxye Cabdullahi Xuseen oo ahaa wiil 8 jir ah, ayaa waraabe ku qaatay deegaanka Cabdi Geeddi oo waqooyi kaga beegan magaalada Magaalada Hargeysa, is la markaa na waxa uu markii dambe u geeriyooday dhaawicii uu waraabuhu soo gaadhsiiyey, ka dib markiiย  loo qaaday dalka Jabuuti.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in waraabuhu uu weerar baโ€™an ku hayo,ย  is la markaa na uu waxyeello gaadhsiinayo dadka deegaanka oo uu cunayo.

Waxa kale oo ay dadka degaanku sheegeen in wiilkaasi ahaa qofkii 4aad ee sanadkan 2018 oo keliya uu waraabuhu cuno. Iyaga oo sheegay in weerarada waraabuhu ay soo badanayaan.

Waxana ay dowladda ka codsadeen in ay wax ka qabato weerarka waraabaha, oo ay sheegeen in uu bartay hilibka dadka,ย  is la markaa na weerarro joogta ah uu soo qaadayo.

Weerarada uu waraabuhu soo qaadayo ayey ku sheegeen kuwo uu habeenkii iyo maalintii ba uu si joogto ah u soo qaadayo.

 

 

 

Gacanlibaaxnews.com

News.

COMMENTS