|
Maxaa Sababay In Ciyaaryahanka Caanka Ah Ee Mascuud Ozil Is Ka Casilo Xulka Germany?
July 23, 2018 - Written by C M
“Sawirka aan la galnay Erdogan wax siyaasad ahi kama dambayn, laakiin waa ixtiraam aan u hayo qofka ugu sareeya dalka qoyskayga” ayuu yidhi Ozil siday maanta qortey sky sports. Badhtamihii Bishii May ee sanadkan 2018, xilli ay socotey ololaha doorashadii Turkiga ayaa Erdogan oo booqasho ku jooga UK ay la kulmeen ciyaaryahanada ka ciyaara EPL ee kasoo jeeda Turkiga. Ciyaaryahanadan ayaa guddoonsiyay Erdogan garamaantooda oo ay saxeexeen. Ciyaaryahanadan ayaa baahiyay sawiradii kulankaa, iyada oo qaarkood ciwaano uga dhigeen “Madaxweynahayga aan ixtiraamka u hayo”. Arintan waxa markiiba ka qayliyay saxaafada Ingiriiska iyo Jarmalka, ilaa ay gaadho in afhayeenka Angela Markel cambaareeyay. In aan lagusoo darin xulkii Germany ee World cupka olole ah ayaa Germany ka dhex socday. Yaase lugahooda ka maarmayay? Saxaafada Ingiriiska ayaa ku ololeysay in Kooxaha ay u ciyaaraan raggani ay ganaax saaraan. Iyaga oo ku doodaya in ujeedada kulankaasi ahaa fariin loo dirayay da’yarta reer Turkey ee ku nool gudaha iyo dibada ee isu diwaangaliyay codayntii 24 June 2018. Dad ka badan 3 million oo Turkey qurbe joog ah oo ku kala nool 60 dal oo aduunyada ah ayaa isku diwaangaliyay doorashadii Turkiga. Ku dhawaad 75% dadkaasina waxay u codeeyeen Xisbiga Caddaalada ee AK ee uu hoggaamiyo Recep Dayyib Erdogan. Saxaafada reer Galbeedka oo olole ugu jirtey in Erdogan laga badiyo ayaa markii ay soo baxday natiijadii doorashada Turkigu ay ka muuqatey niyad jab badani sida BBC iyo Washington post oo hormood ka ahaa ololaha Erdogan nacaybka! Waxay isku canaanteen xataa inay ku fashilmeen in da’yarta reer Turkey ee ku nool reer Galbeedka ay ka dhaadhici kari waayeen in aanay u codayn AK. Dadka siyaasada iyo ciyaaraha la socda ayaa aaminsan in kulankaa Erdogan iyo Ciyaaryahanada asalkoodu Turkish yihiin aanay siyaasadi ka madhnayn, una badheedheen in fariintaa ololaha u muuqatey ay wada diraan, wax kasta oo kasoo noqdana ay diyaar u yihiin. Mascuud Ozil ayaa diiday inuu raali galin ka bixiyo kulankaa. Waxaanu maanta markii ugu horeysay kaga jawaabay inuu gabi ahaanba iska casiley Xulkii Jarmalka. Waraaq dheer oo uu qorey ayay ka mid ahaayeen ” Markaan badino waxaan ahay Jarmal, marka lanaga badiyona waxaan ahay soogalooti. Labadayda Wadne midi waa Turkey…” Erdogan soo laabey isagoo awood badan, Jarmalkii gallin horeba oodda loo rog koobkii Adduunka, Ozil iyo Gundogan siiba caan bexe. Ugu dambayntiina maanta ayuu Xiddiga kubbad sameeyaha ah ee reer Arsenal Mascuud Ozil iska casiley xulkii Jarmalka, iyada oo Gundogan na isha lagu hayo! Siyaasadi waa Ciyaar, Ciyaarina waa Siyaasad!
COMMENTS
|
|
||