War Deg Deg ah; Afar wariye Oo Xabsiga Loogu Taxaabay magalada Berbera iyo wasiirka madaxtooyada Somaliland Oo ka Danbeyey xadhiga Suxufiyiintan.
September 23, 2016 - Written by

Afar wariye Oo Xabsiga Loogu Taxaabay magalada Berbera iyo wasiirka madaxtooyada Somaliland Oo ka Danbeeyey xadhiga Suxufiyiintan.

Berbera(GLN)_Ciidamada Amaanka Gobolka Saaxil Ayaa Xabsiga Goor Dhawayd U Taxaabay Afar wariye oo ka hawl gala magaalada berbera,waxaana lagu edeeyay in ay baahiyeen dhul xukuumadu doonaysay in ay siiso nin ganacsade ah.

Wariyayaashan Xabsiga loo taxaabay oo uu ku jiroย  weryihii telefishanka Universal Tv ee magaalada Berbera Yasiin Jamac Cal oonu la xidhiidhnay ayaa soo sheegaya in qalabkii iyo kamaradihii ay siteen ciidanka amaanku kala waregeen waxaana uu ka hadlay cagajuglayn ay u gaysteen.

Afartan wariye ayaa hadda lagu xidhay xabsiga ku dhex yaala dekeda berbera waxaana ay tilmaameen in amarka lagu xidhay uu soo bixiyay wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi oo goobta ku sugnaa ninka ganacsadaha ahiย  xukuumadu ugu wareejinaysay dhulka.

Ilaa hadda war ahi kama soo bixin xukumada somaliland

 

COMMENTS