War Deg Deg Ah:Dagaal Beeleed Mar Kale Ka Qarxay Deegaan Ka Tirsan Ceel Afweyn.
September 23, 2016 - Written by

Dagaal Beeleed Mar Kale Ka Qarxay Maanta Deegaan Ka Tirsan Degmada Ceel Afweyn.

Ceel-Afweyn(GLN)_Wararka ka imanaya gobalka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaal uu ka dhex qarxey laba  beelood ee wada dega deeganka Sincaro oo ka tirsan degmada Ceel Afweyn ee gobalka Sanaag  .

Ilaa hada si cad looma oga sababta keentay in dagaalkaasi ka dhex qaraxo labada beelood waxaana uu hore dagaal noocan oo kale ahi dhawaan uu dhex maray isla markaana ay xukuumadu go,aamo uga soo saartey   Beesh Sacad yoonis Iyo jilibka Baho balse hada ayaa waxaa uu u dagaalkan cusubi u dhaxeeya Jilibka Reer iidle  (Habar-Jeclo)  iyo Sacad Yoonis  (Habar Yoonis ).

Ciidanka qaranka Somaliland ayaa deeganadaasi uu dagaalku ka socdo ku ruqaansadey  balse wararka aanu ka helayno waxaa ay noo sheegayaan in aanay wali ciidanku ku guuleysan in ay  dagalakaasi joojiyaan .

Si Rasmi ah uma kala cada ilaa hada khasaaraha dhaawac ee ka dhashey dagaalkaasi taasi oo sabab u tahay dagaalka oo la xusaayo in aanu wali joogsanin balse  waxaa  la sheegaya in hal qof uu ku dhintey

COMMENTS