Wasiir Koore Oo Sheegay In Xukuumaddu $500,000 Ku Horumarinayso Biyaha Gobolka Daadmadheedh
August 14, 2018 - Written by C M

Xaaxiย (GLN): Wasiirka horumarinta biyaha ee Somaliland Saleebaan Cali Koore, ayaa shaaca ka qaaday in xukuumaddu ay diyaarisay $500,000 oo dollar oo lagu horumarinayo biyaha gobolka Daadmadheedh.

Waxa uu wasiirku sidan ka sheegay dariiqada Xaaxi oo ka tirsan gobolka Daadmadheedh, oo shalay xukuumaddu kaga dhaqaaqday mashruuc wax soor saar oo ay halkaa ka hirgelinayso.

Waxa kale oo uu ka hadlay fashilkii ku yimi mashruucii deegaanka Xumboweyne ee qaybta ka ahaa biyo ballaadhinta Hargeysa.

https://www.youtube.com/watch?v=Y_iW13APFm8&feature=youtu.be

 

 

 

 

 

 

Gacanlibaaxnews.com

News Desk.

COMMENTS