Ururka Al-Shabaab Oo Maanta Soo Bandhigay meydadka Askar ka Tirsan Ciidamada Kenya.
September 23, 2016 - Written by

Ururka Al-Shabaab Oo Maanta Soo Bandhigay meydadka Askar ka Tirsan Ciidamada Kenya.

Jilib(GLN)_Ururka Al-Shabaab ayaa maanta magaalada Jilib kusoo bandhigay maydka laba qof oo ururka sheegay inay ka mid ahaayeen booliiska Kenya.

Dadkan ayaa Al-Shabaab ay sheegtay in lagu dilay weerarkii habeen horey maleeshiyada Al-Shabaab ay ku qaadday saldhigga deegaanka Haamey ee gobolka Gaarisa.

Dadka magaalada ku nool ayaa sidoo kale warbaahintaย  u sheegay in Al-Shabaab ay sidoo kale halkaasi kusoo bandhigeen baabuur iyo hub ay sheegteen inay kusoo qabsadeen hawlgalkaasi.

Dawladda Kenya ayaa shalay sheegtay in weerarka ay Al-Shabaab qaadday ay ku dhaawacmeen afar askari, sidoo kalena la laโ€™yahay laba kale.

Sourcces;VOAsomali

 

COMMENTS