Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Oo Ka Digay Kacdoon Shacab.
September 23, 2016 - Written by
Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Oo Ka Digay Kacdoon Shacab.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh maxamud ayaa sheegay in Shacabka oo la kiciyo islamarkaana loo sheego wax aan jirin laga dhaxli karo Dhibaato sii dheeraata,wuxuuna tilmaamay in wadajir loo ilaaliyo Nidaamka Dowladnimo ee Dalka ka jirta.
Sida ay qortay Wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA, Madaxweynaha ayaa ka digay in dalka uu ka dhaco Kacdoon lagu dumiyo Nidaamka Dowladnimada ee Dalka ka jira si la mid Kacdoonkii lagu riday Dowladdii Milatariga ee ka jirtay sanadkii 1991-kii.
“Soomaaliya waxaa ay Burbur iyo Dagaal ku jirtay Mudo Rubac Qarni ah,hadda waxay Dowladda Soomaaliya iyo Shacabkeeda hayaan waddadii Dowladdnimo,marka ma ahan in aan Gacanteena ku dumino,waayo waxaa la xasuustaa waxii laga dhaxlay Dowladdii dhexe ee Dalka uu lahaa markii la riday”ayuu yidhi Madaxweyne Xasan.
Ma sheegin Wakaaladda SONNA hadalkan halka uu ka sheegay Madaxweynaha, hase ahaatee waa hadal xambaarsan quus siyaasadeed iyo culeys soo food-saaray, marka loo eego loolanka baaxada leh ee uu kala kulmayo Musharaxiinta qaar.
Xilligan lagu jiro kala guurka siyaasadeed waxaa hadalo is diidan ay ka soo kala yeerayeen Madaxda dowladda ee waqtigooda dhamaaday iyo Musharaxiinta, kuwaasoo loolankooda ku xoogeystay kasbashada shacabka.
Madaxweynaha ayaa maalmihii la soo dhaafay iska soo daba saarayay hadalo ka muuqday olole siyaasadeed, waxaana marar badan uu ka hadlay arrinta dacwadda Muranka Badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, kaasoo loo arkayay mid Madaxweynuhu u isticmaalayo ololihiisa doorasho.
Sikataba ha ahaate hadalkan madaxweyne xasan sheekh ayaa imanay iyada oo guud ahaanba siyaasada soomaliya ay isku bedeshay waji cusub isla mar ahaanta u xasan sheekh loolan adag kula jiro siyaasin tiro badan oo kula tartamaya jagada madaxtinimada somaliya.