Madaxweyne Ku Xigeennada Maamullada Puntland iyo Galmudug Oo Ka Soo Hor Jeestay Go`aankii Kismaanyo
September 9, 2018 - Written by C M

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Xaaji (Camey) ayaa sheegay in uu ka soo horjeedo qodobbada qaar ee ka soo baxay shirkii madaxda maamul goboleedyada ee Kismaayo, gaar ahaan arrinta hakinta wada shaqeynta dowladda federaalka ee ay maamulladu ku dhawaaqeen.

Mr. Cameey ayaa sidoo kale sheegay in qodobbada laga soo saaray shirka ay u muuqdeen in lagu deg-degay, islamarkaana wada tashi lagala yeelan isaga.

Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabey oo warbaahinta isla shalay markii warmurtiyeedku soo baxay kula hadlay warbaahinta magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa kasoo horjeestay qodobadii shirkaasi ka soo baxay oo ay kamid ahaayeen in dowlad goboleedyada dalka ay hakiyeen wadashaqeyntii kala dhaxeysay dowladda dhexe Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Maxamed Xaashi in dowladda dhexe xiriirka aysan u jari doonin maamulka Galmudug, isisagoona tilmaamay in madaxdii ku shirtay Magaalada Kismaayo ay ku fashilmeen shirkooda.

Halkan ka Daawo warkaas oo dhamaystiran:

https://www.youtube.com/watch?time_continue=286&v=XfaT3XQp240

 

 

 

 

 

 

Gacanlibaaxnews.com

News Desk.

COMMENTS