Raysal Wasaarihii Hore Ee Somaliya Maxamed C/llahi Farmaajo Oo Lagu Wado Todobaadkan In Uu Soo Gaadho Magalada Muqdisho.
September 24, 2016 - Written by

Raysal Wasaarihii Hore Ee Somaliya Maxamed C/llahi Farmaajo Oo Lagu Wado Todobaadkan  In Uu Soo Gaadho  Magalada Muqdisho.

Raysal Wasaarihii hore ee dowladdii KMG aheyd Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in todobaadkan gudihiisa uu soo gaaro magaalada Muqdisho, si uu uga bilaabo ololihiisa doorashada.

maxamed cabdillahi Farmaajo oo muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Nairobi ayaa la sheegay inuu halkaas ka waday ololihiisa doorashada, maadaama uu horay u sheegay inuu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha somaliya.

Taageerayaasha musharax Farmaajo ayaa labadii maalmood ee u dambeeyay ka waday magaalada Muqdisho diyaar garow ballaaran oo lagu soo dhoweynayo, waxaana berri lagu wadaa in Muqdisho ay soo gaareen Guddi ka tirsan Ololihiisa doorashada, si ay gogol xaar ugu sameeyaan imaanshihiisa magalada Muqdisho.

Baraha Bulshada ayaa lagu soo bandhigay sawirro ku aadan ololaha doorashada ee Mr Farmaajo, waxaana sawiradiisa lagu dhejin doonaa waddooyinka Muqdisho.

Farmaajo ay  ah nin shacbiyad badan, ayaa todobaadkan la sheegayaa in si weyn loo soo dhoweyn doono, waxaana taageerayaashiisa la filayaa inay isugu soo baxaan waddooyinka Muqdisho, si ay u muujiyaan taageerada iyo kalsoonida ay u hayaan.

Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha ayaa ku jira diyaar garowgii u dambeeyay ee ololahooda doorashada, waxaana ay bilaabeen inay Muqdisho yimaadaan.

sourcces;Jowhar

COMMENTS