Anigu Waxaan Ahay Midgaan? Qoraa Hana Maxamuud Nuur
September 24, 2016 - Written by

Anigu Waxaan Ahay Midgaan? Qoraa Hana Maxamuud Nuur

qoraaa-hanna-80x106

Anigu Waxaan Ahay Midgaan? 1-“”Anigu waxan ahay midgaan waayo waxaan leeyahay adkaysi”” Waxaan awoodaa adigoo iduleeyay in aan hadana kula noolahay una dhabar adaygayo hujuunta iyo cago juglaynta iyo yasida aan igu hayso 2-“” Anigu waxaan ahay midgan waayo waxaan leyahay awood.”” Waxaan awoodaa in aan noloshayada kala soo dhex baxo laba dab dhaxdood 1- midi waa adiga oo muslin sheegaynay hadan itakooray , 2-ta labaadna waa adigo somali muslin ah hadan iduleeyay. 3- “Anigu waxaan ahay midgan waayo waxaan leeyahay waxtar””.Waxaan ahay BIR MAAL, waxaan ahay BIYO MAAL waxaan ahay XIRFAD MAAL waxaan kuu ahay warshad noloshaada ka shaqaysa” 4- “Anigu waxaan ahay midgan waayo waxaan leeyahay samir” 1-adigoo magac ,maaal, nasab, laandheernimo qabiil, ubada, caruur, sharaf, dumar ,waxqabad iigu faana ayaan kula nooloahay . Magaca mid-gaan adigu hadad cay ama yasin ruux bila aadana u taqaan anigoo waxaan u aqaan sharaf, haladagygimino, . Qofka samirka leh ayaa guulaysta, qofka adkaysiga leh ayaa dhibka dunidan ka gudba, qofka awooda leh ayaa isbadal samaynkara. Intaaan yaa haysta ANIGA OO MID-GAAN IGU SHEEGTO. ILAHAY AYAA QURANSKIISA wuxuu ku yidhi (walaqad karambnaa bila aadan) maxaan ku diiday markaa in aad sharfto, qadariso ,tixgaliso soo dhaweeyso, fikirka la wadaagto, nolosha lawadaagto, rayiga lawadaagto, aqoonta la wadaagto.? Adigu waxaa tahay laandheer, ma iisheegi kartaa halshay ood kaga wanaagsantahay Hadaan ahay Mid-gaanka ama ninka laga tirada badanyahay? Majirto intaan ogahay hal qof oo iisheegi kara sobobta la iitakooray, Majiro hal qof oo idhi kara sobotaas ayaan kuu takoorayaa, Anigu waxaan ahay MIDGAAN , waxaan dhalaa Sheekh, shariif , Aqoonyahan, Waxgarad, indheed garad, Maalqabeen, duriyad wanaagsan, Qalanjo, geesi, intaan oo dhamina waxay ku mashquulan sidii ay naftooda u maamuli lahaayeen. Anigba habaar in aan Qabo qof intaas ka mid ah oo ku soo noqda bulshadii uu ka soo baxay ma jiro, taa waxa igaga xanuun badan markay qurbaha tagaan way ka faanaan in uu yahay ninka laga tirada badanyahay. 1-Aniga oo shaqsiga caynkaas aha ayaan hadana rabaa in aan hormuud noqodo, 2-Aniga oo midgankaa aha ayaaan hadana rabaa in aan guulaysto 3-Aniga oo midgan aha ayaan hadana rabaa in inantayda 100geela laga bixiyo 4-Aniga oo midgaana ayaan rabaa wiilkaygu in uu guursan karo gabadh ajiya. 5-Aniga oo midgana ayaan qabaa fikir ah in aan kula tartami karo. ISWAYDII ama AAN ISWAYDIINO maxaa diiday in aynu sinaano? maxaa diiday in aad iga guursan waydo? maxaa sobobay in aan xaaran noqdo adna xalaal noqoto? Waxaad itidhaahdaa waxaad tahay mid-gaan, adiga hadaad tahay aji qof kaa mid ah haduu ku yidhaaah waar hebal midgaan ayaad tahay , Ma iisheegi kartaa inta ay niyadu kaa dhimato? Ma iisheegi kartaa waxaad dareento? Haday wayntahay oo aanad suurayn karin niyad jabka kula soo gudboonanaya, aniga oo maalin walba aaad igu tidhaahdo ma suuraynkartaa, hadii aadse qiyaasto 100kiiba imisaad isiin lahayd? inkastoo dabuubtiyo Deelkeeda maan sada Abwaanadu ku daaleen duqay hore tilmaameen Dadku inu mid qudha yahay Diinteena miiyee Waxkaloo na didiyoo Dadka kala walwaalaa Doqo niima cuduriyo Aytahay dareen lumay Anigoo ka daacada Ana inan dar kaw galo Dalabtaasi aan saxo Danta iyo xaqiiqada Soo hor dhigo dad waynaha Dawbaan uleeyee ninkii taasi diidaw Adigiyo dad nimadaa Anigiyo dul qaad kay Shacab iyo damiirkii Maxaa kuu diiday walaalkayoow in aad iiqirto in aan kaa wanagsanahay hadaan ahay midgan.? Maxaa diiday walaashayeey in aad itidhaah waad ila sinamtahay? Maxaa diiday hooyo in aan isoo dhawayso markaan inantaada kaa soo doonto? Maxaa diiday aabo in taan samatalis noqn waydo? Hadad iihayso jawaab igu filan oo iqancisa, dhibkan wuu dhamaani hadii kle cuqubadani waxan noqon doontaa mid dhaxalkeeda aad maashaan waalin maanta dhaanta. W/Q Qoraa Hana Maxamud Nuur.
Wixii faahfaahin
Bulshobila@gmail.com
Facebook Hana Nour Mohamoud/ qoraa hana maxamuud nuur.
Pagkayga hana maxamuud nuur

COMMENTS