Isimmada Puntland Oo Soo Saaray Qodobo Ku Waajahan Doorashada Madaxweynenimada
December 25, 2018 - Written by C M

Garoowe-(GLN): Isimmada dhaqanka ee deegaanka Puntland, ayaa soo saaray afar qodob, oo ku saabsan doorashada madaxweynenimada ee bisha soo socota ka dhici doonta Puntland.

Qoraalka xanbaarsan qodobadaas ay Isimmadu soo saareen, ayaa u dhignaa sidan:

“In la wada qaato mas’uuliyad wadareed, cid kasta na ay xil is ka saarto sidii loo heli lahaa doorasha ku dhacda nabad iyo xasillooni.

In guddiga doorashada lagu aamino in ay soo ansixiyaan, soo na saaraan xildhibanadii beeluhu soo xusheen isimmadu na soo saxiixeen.

In musharraxiintu ay yihiin mas’uuliyiin muwaadiniin ah,  xil na ka saran yahay la shaqnta iyo kalsoonida guddiga ansixinta iyo laamaha amniga.

In taliyeyaasha amniga xil ka saaran yahay aminiga guud ahaantiisa,  mas’uu lna ka yihiin musharraxiintu na ay u siman yihiin, dhib na ay na ka la kulmin xorriyadooda dhaqdhaqaaq, si wada jira  ah na loo wada shaqeeyo.”

 

 

 

 

 

 

 

 

Gacanlibaaxnews

News Desk

 

COMMENTS