Afhayeenka Cusub Ee WADDANI Oo Ka Dareen Celiyey Xilka Loo Magacaabay
February 6, 2019 - Written by C M
Hargeysa-(GLN): Afhayeenka cusub ee guddoomiyaha WADDANI u magacaabay xisbiga, Barkhad Jaamac Xirsi, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay xilka loo magacaabay.
Qoraal uu soo saaray Barkhad, ayuu kaga mahadceliyey xilka loo magacaabay, waa na kan qoraalkii uu soo saaray:
“Marka koowaad waxaan u mahadcinayaa Illaahay, marka labaadna hoggaanka Xisbiga WADDANI iyo Guddoomiyaha Xisbiga Oo ii gartay in aan noqdo Af-hayeenka WADDANI. Waxaan mahadcelin milge, maamuus iyo miisaan le u dirayaa guud ahaan reer Somaliland gude iyo dibad inta jecel quruxda Somaliland ee isoo dhawaysay inna soo hambalyaysay, walalayaal fariimihiinna tirabeelka ahaa ee hambalyada ahaa way i soo gaadheen waanan idinka mahacelinaya. Waxaad ii muujiseen lexejeclo, xilweynbaanย qaaday Oo runti ah mid duco u baahan ducadiina iyo dardaarankiinna Alle haygu ilhaansho.
Waxaan u arkaa xilka lay dhiibay Imtaxaan Alle swc igu eegayo Shayga Mas’uuliyadda la idhaahdana waa shay culeyskiisa iyo caqabadiisa leh runti! Xildhankani wuxu yahay guul dhallinyaradda Somaliland Sawirka Siyaasadda ku xariiqday, halkaa iyo heer ka sarreeyaba dhallintu way mudantahay. Waxaan xoojin doonaa, xaq u dirirnimada, raacdada caddaalada, halganka midnimada, midaynta qaranka iyo soo bandhiga baylaahaa tirabeelka ah ee qaranka hor yaal. Xilku waa hal-xidhaale waxaanse ballanqaadayaa in aan dadaal iyo dardar ku gudan doono hawlaha Xisbiga. waxan ugu dambeynti si weyn ugu mahadcelinaya Af-hayeenki iga horreeyey xilkan Mudane: Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buuba Oo ahaa Aasaasayaashi xisbiga Tacab badan galiyey si sharaflehna igu soo dhaweeyey xilkan mustaqbal wacan iyo maamulka dalka oo aynu hagaajina ino ballan ah wallaal.”