Dib U Milicso: Fursadihii Iyo Caqabadii Madaxweyne Muuse Xilka Ku La Wareegay Iyo Duruufihii Madaxdii Ka Horreysay Ka La Soo Dabbaalatay Somaliland
February 14, 2019 - Written by C M
Hargeysa-(GLN) ): Jamhuuriyadda Somaliland oo xorriyadeeda dib u la soo noqotay sannadkii 1991-kii midowgii Soomaaliyeed ee lagu lugo’ay, taasi oo hadda jirtay muddo 28 sano ah, ayaa waxa hadda xilka haya Madaxweyinihii shanaad ee Somaliland soo mara , iyadoo ay ugu horeeyeen xilka Madaxweynenimo afar Madaxweyne oo kale , kuwaas oo alle-ha u naxariistee ay laba kamid ahi geeriyoodaan, waxaana ay shantaa Madaxweyne ee talada dalka uu kala dambeeyey ay kusoo beegmee duruufo kala gedisan oo uu mid-ba midkii uu kursiga kala wareegay uu ka dhax-lay.
Haddaba Waxaynu is dul
taagi doonaa Madaxweyne kastaa intii uu xilka hayey wax-yaabihii uu qabtay iyo
wixii uu ku guul darastay ee uu ku wareejiyey Madaxweynihii ku xigay ee xilka
kala wareegay, iyadoo aynu kala horaysiinayno sidii ay u kala horeeyeen .
1)-Madaxweyne
Cabdiraxmaan Axmed Cali “Tuur”
Madaxweyne Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali oo ahaa Madaxweynihii 1-aad ee
Somaliland, oo May 1991-kii lagu doortay shirweynihii beelaha Somaliland ee
Burco ee lagaga dhawaaqay goonni isu taagga Somaliland waxa uu ku soo beegmay
xilli laga faraxashay dagaalkii dib u xorraynta dalka. waxaa xusid mudan in
xukuumaddiisii bulshadu si kal iyo laab ah u soo dhawaysay laakiin, ay ku
beegantay duruufo kaabeyaashii kala duwana ee dalku ku burbureen dagaalladii,
islamarkaana ay ka dhaqaaqi kari weyday mucaaradad adag oo ay kooxo SNM ahaa
kala hor tageen. Taasi waxay dhalisay is maandhaaf iyo kala qaybsanaan weyn oo
bulshada Somaliland dhexdeeda ah.
2) -Madaxweynihii
labaad ee Somaliland Marxuum Cigaal 1993 ilaa 2002kii
Madaxweyne Cigaal alle ha-nuaxariistee waxa uu ahaa Madaxweynihi labaad ee
Somaliland, kaasi oo sanadkii 1993 ay beelaha Somaliland ku doorteen shirkii ka
dhacay Boorama, iyada oo uu dalka ka istaadhmeen muddo yar ka dib Dagaalo
Sokeeye oo uga sii daray xaaladda dadkii halganka ka soo doogay, balse markii
lagu guulaystay soo afjaridda colaadda sokeeye madaxweyne Cigaal waxa u suuro
gashay isu soo dhawaynta bulshada iyo dhisidda dhammaan haykalkii dawladnimo
iyada oo hubka laga dhigay jabhadihii beelaysna.
Geesta kalene Marxuum Madaxweyne Cigaal ayaa ahaa shaqsigii hirgeliyey axsaabta
Qaranka inay ku loolamaan saaxada siyaasadda Somaliland. Waxa uu ka tagay
bulsho hadaf guud wada leh oo ay rajo gelisay dawladnimada uu dhidibbada u
taagay.
3)-Madaxweynihii
Saddexaad ee Somaliland Daahir Rayaale .
Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo xilka uga dambeeyay Marxuum Cigaal waxa uu
halkii ka sii waday geedi socodka dimuqraaddiyadda Somaliland iyo jidkii uu
jeexay Marxuum Cigaal, waxaana uu dalka ka hirgeliyey Doorashooyin dhawr ah,
kuwaas oo kor u qaaday sumcadda Somaliland ee caalamka iyo rajada bulshada
Somaliland ee dhanka horumarka iyo dawladnimada.
4)- Madaxweynihii 4-aad
ee Somaliland Axmed Siilaanyo.
Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ahaa Madaxweynihii afraad ee Somaliland,
kaasi oo talada dalka qabtay bishii Julay sanadkii 2010-kii, waxa uu la
wareegay bulsho isbedelka hoggaanka dalka la dhacsan, waxaanu muddo xileedkiisa
ku bilaabay dardar hor leh oo wax qabad. Waxa bilawgiiba furfurmay dhaqaalaha
dalka iyada oo ay muuqatay in dadku dhaqaalahooda dalka ku aaminayaan,
islamarkaana maalgashiga ganacsigu xawli ku dhaqaaqay.
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu qabtay muddo xileedkiisii laba doorasho oo muran
abuuray waxaana loo arkayay in aanu waxba ku kordhin dawladnimada hase ahaatee
muddo xileedkiisii waa mid lagu xasuusto in dhaqaalaha bulshadu kor u soo
kacay, islamarkaana bulshadu salka dhigtay oo ganacsi badan abuurmay.
5) -Madaxweynihii Shanaad ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi
Madaxweyne Muuse Biixi
Cabdi ayaa 2017kii talada dalka kala wareegay macallinkiisii Md Axmed
Siilaanyo. Madaxweyne Biixi waxa uu talada kala wareegay isla xisbigiisa mana
jirin caqabado waaweyn oo horyaallay xilligaasi.
Caqabadaha: Doorashadii madaxweyne Biixi ku soo baxay waxay ku soo beegantay
xilli saxaafadda iyo baraha bulshada ee Internet-ka ay bulshada badankeedu
fursad u heshay, islamarkaana ay bulshadii doorashada ku loolantay kala qaybsan
tahay hase ahaatee marnaba ma aha caqabad u dhaw tii dadku dagaallada ka soo
doogeen ee madaxweyne Cigaal kala soo dabaashay.
Wixii laga filayay:
Madaxweyne Biixi waxa laga filayay in uu isu soo dhaweeyo dadkii siyaasaddu
kala qaybisay, islamarkaana dhismaha u horeeya ee xukuumaddiisa laga arko in uu
madaxweyne u yahay qofkii u codeeyay iyo kan ka codeeyay labadaba. Waxa indhaha
lagu hayay in sharcigu sarraynayo oo uu madaxweyne go’aan leh noqonayo sidii uu
ku ololeeyay islamarkaana uu boodhka ka jafayo dawladnimada oo xilligii
Siilaanyo dabacday iyo in uu musuqmaasuqa wax ka qabto.
Hase ahaatee madaxweyne
Biixi saamiga dhismaha dawladdiisa waa la saluugay, taasina waxay noqotay mid
halkii ku haysa kala qaybsanaanta bulshada Somaliland. Waa caqabada kaliya ee
hortaallay isu soo dhawaynta bulshada taas oo wali bulshada Somaliland laga
dareemayo in ay kala taaggan yihiin halkii xilligii ololaha ay kala istaageen.
Tusaale ahaan warqad dhawaan la faafiyay oo sheegaysa in ra’isal wasaare
xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed hawlo sirdoon ka wado Somaliland ayaa
bulshada Somaliland dhexdeeda kala qaybisay iyada oo badh difaaceen badhna
dhalliil ka dhigayeen.
Telefishanka Horn Cable
waxa uu dhawaan baahiyay heshiis aan lagu tartamin oo la siiyay ganacsade gaar
ah taas oo marag ka ah in aan saraynta sharciga iyo hannaanka dawladnimo waxba
iska bedelin.
Waxa muddadaas la
xidhay suxufiyiin, hay’ado warbaahineed, shakhsiyaad bulshada ka dhexmuuqda iyo
muwaadiniin kale taas oo faallo BBCSomali qortay lagu sheegay in ay u muuqato
in tiirkii Dimuqraadiyadda Somaliland udub dhexaadka u ahaa oo dimuqraadiyadda
ahi halis ku jiro.
Madaxweyne Biixi oo aan sanadkiisii koobaad dardar ku bilaabin, islamarkaana aan waxba ka qaban midaynta bulshada u abuuridda rajo iyo hiigsi waxa uu wajahaya caqabad kale oo ah in bulshada labeenta ah ee Somaliland iyo siyaasiyiintu fursado ka raadsadaan Xamar, halka jabhado saldhig uga dhigteen Soomaaliya.