Madaxtooyada Soomaaliya: “Waanu Bogaadinaynaa Wada shaqaynta Somaliland.”
February 20, 2019 - Written by maamule

Muqdisho- (GLN): Dawladda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in ay soo dhaweynayso wada shaqayn dhex marta iyaga iyo Somaliland.

Qoraalka madaxtooyada Soomaaliya soo saartay, oo daba socday kulankii maanta Addis Ababa ku dhex maray madaxweynaha Somaliland iyo Raysal wasaaraha Itoobiya, oo la sheegay in arrimaha labada dhinac ka wada hadleen ay ku jirtay wada shaqayn dhex marta DF Soomaaliya iyo Somaliland.

Waa kan warsaxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya:

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadineysaa sida Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu u aqbalay in Maamulkiisa iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wada shaqeyn dhaw yeeshaan.
Dowladdu waxay u aragtaa in tallaabo wanaagsan hore loo qaaday, waxayna xoojineynaa aqbalaadda Madaxweyne Biixi, iyada oo diyaar u ah in ay ka miro dhaliso wada shaqeyntaas.
Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dhiirrigelinaysaa dadaalka uu wado Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo muujiyay sida ay uga go’antahay dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika oo ay Dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritreeya hormuudka ka yihiin.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u taagantahay sidii hore loogu sii wadi lahaa wada hadallada xoojinaaya wadashaqeynta, loona abuuri lahaa jawi wanaagsan iyo horumar.”

Gacanlibaaxnews

News Desk

COMMENTS