Wasiirka Caafimaadka JSL oo Buuhoodle saxaafadda Ugu Waramay
August 17, 2016 - Written by

Buuhoodle(GLN)_Wasirka Wasaaradda Caafimaadka JSL Dr Saleebaan Ciise Axmed

Xaglotoosiye oo socdaal hawleed ku jooga Magaalada Buuhoodle ayaa ka

waramay xaalada siyaasadeed iyo ta bulsho ee Gobolkaasi, waxana uu

digniina u diray maamul goboleedka PL Somalia oo isku deyaya inay

carqaladeeyaan deganaansha Gobolkaasi.

Wasiirka caafimaadka DrSaleebaan Ciise Axmed xaglotoosiye waxa uu

ugu horayn tacsi u diray shacabka Somaliland isagoo ka tacsiyadeeyey

geeridii ku timid Ugaas Cabdilaahi Ciise oo Salaasadii ku geeriyooday

Dalka turkiga kana mid ahaa madaxdhaqameedka gobolka Sool. Intaa ka

bacdina waxa uu sharaxaad ka bixiyey ujeedada socdaalkiisa ee

Gobolkaasi hadaladiisiina ka mid ahaa sidan: ‘ Salaasadii ayaanu nimid

Gobolkan waxana aanu u nimid hawl wacyigelineed iyo mid

wadatashi dadka deegaanka ah, runtii dadku xiligan waa bislaadeen,

99% waa dad aaminsan Qaranimada Somaliland, waxana aanu

rajaynaynaa in wadatashiyada aanu la yeelanayno ay ka soo baxaan

arimo dhaxalgal ah, isla markaana ay dabaysha siyaasadeed ee isu

guurka ah ee somaliland ka dhacaysa ay meel wanaagsan ka geli

doonaan oo qaybtooda ka qaadan doonaan

Dhanka kale wasiirka caafimaadku waxa uu uga digay maamul goboleedka

PL ee Somaliya oo isku deyaya inay carqaladeeyaan deganaanshaha

Gobolkaasi iyo qorshaha diiwaangelinta codbixiyaha Somaliland oo ah

arin uu muwaadinku xaq u leeyahay, waxana Wasiirka oo arintaa ka

hadlayaa uu yidhi sidan: ‘Waxaan doonayaa in aan halkan ka sheego

oo digniin u diro maamulka Puntland oo ku tashadayinay

carqaladeeyaan rabitaanka shacabka Buuhoodle , isla markaana

doonaya inay ciidamo u soo diraan Buuhoodle oo Madaxweyne ku

xigeen u soo diraan oo qasaan in halkan diiwaangelintu ka dhacdo,

waxaan leeyahay waxii xasiloonidarro iyo khasaare ka yimaadda

waxaa mas’uul ka noqonaysa Puntland, caalamkana sidaas ayaan u

sheegaynaa, waayo dadka reer Buuhoodle wanaag bay rabaan

nabaday rabaan , iyagaa xor u ah inay diiwaangelinta galaan iyo in

kale sida muwaadin kale oo kasta oo reer Somaliland uu xaqaa u

leeyahay, Jamhuuriyadda Somaliland waa wadan dimuqraadi ah cidna

laguma khasbo ka qaybgalka diiwaangelinta iyo doorashada toona,

Puntland-na waxaan ugu celinayaa deegaankan iyo dalkan rabshad

kama ogolin”

Dr Xaglotoosiye oo ka hadlay dareenka dadweynaha deegaankaasi ee

xiligan iyo sida ay diyaarka ugu yihiin ka qaybqaadashada xaaladaha

siyaasadeed iyo bulsho ee ka socda JSL ayaa waxa uu yidhi: ‘Intii aanu

halkan joognay waxaa dadweynaha nagaga soo noqday dareen weyn

oo muujinaya rabitaan weyn iyo isbedel weyn waana mid aanu aad

iyo aad ugu faraxsan nahay uguna hanweynahay, illaa hadana waxa

aanu kulamo la yeelanay maamulka heer Gobol iyo heer degmo,

odayaasha iyo qaybaha kale ee bulshada, waxana aanu bilownay sidii

wadatashi loo yeelan lahaa, runtiina reer Buuhoodle oo ah xubin aad

u weyn oo beesha Dhulbahante ka tirsan ayaa aqlabiyadoodii waxay

go’aansadeen inay dantooda u soo noqdaan oo danta deegaankooda

eegaan oo go’aansadaan inay si buuxda uga mid noqdaan

Jamhuuriyadda Somaliland, oo dantoodu ku jirto, nabadgelyadoodu

ku jirto, horumarkoodu ku jiro, mustaqbalkooda siyaasadeedna ku

jiro, Xukuumad ahaana wax walba waanu la dhinac taagan nahay

waxana aan filayaa insha allaahu in isbedel weyn oo degdeg ahi

dhaco”

WWW.Gacanlibaaxnews.com

Hargeysa/Office

COMMENTS